ąɧɱɛɖ 〖ᴷⁱⁿᴳ Hassan on Clubhouse

Updated: Sep 7, 2023
ąɧɱɛɖ 〖ᴷⁱⁿᴳ Hassan Clubhouse
887 Followers
1.2k Following
Jun 3, 2021 Registered
@axmed1769 Username

Bio

꧁ 🇸🇴 ꧁
"Burka lay filaayiyo
Balliyada agtayda ah
Gelin kuma bariistoo
Baxsanaha habeenkii
Ama badiba maantii
Boqollaal kun jeer baan
Ka baxaa dhulkeennoo
Sida biligta roobkiyo
Gaaraa-bidhaankaan
Hadba meel ka baaqaa.

Mar dabaylo buubiyo
Baqayaan ku joogaa.
Mar ballaadhka ciiddiyo
Waxan baac ku tiriyaa
Dhulka baaxaddiisoo,
Mar badaha guntoodaan
Baashaal ku marayaa,
Bahalaha ku nool baan
Bun-salool u qubayaa.

Mar bahaa dugaaggiyo
Inta boqonta hoosiyo
Baabaco ku oroddiyo
Bog intii ku socotiyo
Waxaan beretansiiyaa
Baalleyda haadda.

Marna beer jacayloo
Ku bislaata hees baan
Hadallada baroorta ah
Biyo uga dhigaayoo,
Dad bukaanka caashaqa
Baaxaa-degaayoo
Boholyow la jiifaan
Boogaha u dhayayaa.

Marna sheeko biirtiyo
Beder iyo Xunayn iyo
Beerdhiga dagaalkii
Birta laysku gooyiyo
Beri hore wax jiray baan
Hadba baab akhriyayaa.

Marna beenta feleggiyo
Baxnaanada adduunkiyo
Berritiyo wax maqan baan
Saadaal ka bixiyaa.

Marna hawli badatee
Suuradaha buruudka leh
Mid ballaysinkeedii
Waxa looga boodee
Bisin looga waayaan
Arrinteeda baadhaa!

Marna baahi-laawaha
Waxaan buun u tumayaa
Yaajuujka buuraha
Baal dacar ku qodayoo
Bandhig laysu yimi baan
Jinka baarqabkiisiyo
Bulbulleyda shaydaan
Billadaha ku taxayaa.

Marna dawlad buuxdoo
Barigiyo galbeedkaba
Ka buruud sarraysoo
Ba’an baan u taliyaa;
Boqortooyadaydaan
Marna berisamaad iyo
Bilo khayr ka dhigayaa,
Marna baaxadsooriyo
Basanbaas u rogayaa.

Marna baahidaydiyo
Waxan baylah tiriyaa
Bilicdii afkaygoo,
Gabay baan badhaadhiyo
Ka hayaa barwaaqoo
Isagaa bar xoolaad
Banka iiga foofoo
Nafta waxan ku baantaa
Badhidiyo leggiisee;

Maxaa beydantaydiyo
Gabadhayda baydiyo
Boqorkiyo dhaclaa xidhan
Bidix loogu rogayaa?
Tolow waxan bireeyaba
Maxaa booli tuugiyo
Bakhti looga dhigayaa?

Dadku beretan guuleed
U biyeysey weelkoo,
Baroor iyo ninkiisii
Ka baxsade habaaskee,
Haddii boodhku igu dhaco
Baqalkay la gaabshee,
Nin bursaday halkiisee,
Intayada baraarkiyo
Burrusyada ku joogtaa
Barbarraannu noqonnee,
Maxaa aniga baas iyo
Tuke baal cad iga dhigay?!"

- TUKE BAAL CAD | 1974.
◦•░✿◉●•◦
🏴‍☠️」🏴‍☠️☠︎︎☞︎


꧁ 🇸🇴꧁
꧁⚔️ 🥷🏾

Invited by: Mohamed Isack

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
September 07, 2023 887 -7 -0.8%
January 30, 2023 894 -29 -3.2%
September 29, 2022 923 -13 -1.4%
August 09, 2022 936 -3 -0.4%
July 03, 2022 939 -8 -0.9%
May 27, 2022 947 -9 -1.0%
April 18, 2022 956 -1 -0.2%
March 11, 2022 957 -10 -1.1%
January 13, 2022 967 -8 -0.9%
December 06, 2021 975 +21 +2.3%

Charts

Member of

More Clubhouse users