khalaf yare on Clubhouse

Updated: Mar 13, 2024
khalaf yare Clubhouse
3.5k Followers
3.2k Following
Apr 5, 2021 Registered
@khalaf82 Username

Bio

dhabaayaco kingdomπŸ¦πŸ‘‘


🟦🟦🟦
⬜️⬜️⬜️
🟩🟩🟩

xaaninyaha mj
bicidyahan gangπŸ¦πŸ¦πŸ¦πŸ”«

sddf

Intaan oday la sheekaystay iyo shaacir gabayaa ah

Shariif iyo intaan shiikh muftiya, gaar isula shawrnay

Qoraa sheeganaa iyo abwaan, aanu wada shaahnay

Shindhaladkaa reer khalaf 🦁 intaan goob ku wada showrnay

Intaan madal la shaaximay, akhyaar shaxaysa soo joogay

Xeer beegti shiraysaa, waxbay kala shadaaftaane

Shilkii dhacay sharkii uu maqliyo shaahid wuxuu joogay

Nin shaamareer kuu arkuu shagax ka siiyaaye

In la sheelo maahee runtaa lagu shabbaaxaaye

Lama shululug siiyee inaad sharaxdid weeyaane

Nin shiddiyo dhib neceb baan ahiyo shaasho iyo buuq

Nabaddoon shindhaladaan ahay iyo shaacir loo bogey

Shiikhiyo shariif baan ahoo shaahid loo aragye

Shuushuu nin nacay baan ahay iyo been la shaaximaye


Shaqalada Waxaan kaa gadmayn lalama soo showree

Waa inaad shalawisaa qabiil sharaflaa tahaye

Inta aad shuqunayso wiil haysta shaqadiisa

Qayrkaa shareecay barteen kuna shaqaystaane

Shuqulkiisa ruux moogan oo shoogsan baa tahay

Sharoobooyin dhacay baa cabtiyo malaha sharaabkiiye

Jifadii yarayd waa sheegataan adi iyo shaywaale

Sharaxaadna kama haysataan shiin kolay tahaye

Ma sharaab la dhuuqiyo cambaad shuqulka moodeen

Shaqo adag inay tahay miyaan cidi idiin sheegin

Afartaa hadaan shaaga hore mariyo shaydaanka


Afar kalena waa sheegayaa ee maqal shiraabtayda

Waxaan ahay shinida geedihiyo shirixi gaabnaaye

Shiinleyda goortaa shubaa wada shifaysaane

Shuqul kayga waa jecel yihiin duul shariif ahiye

Maansada adaan shuhubo iyo shuqul xun sheegayn

Shabeelow iyo sidii jaqalo soo shiish yaqaan ma ihi

Gogor shaaribbada miiqday oo ciid ku shaahaaya

Shuquladii dhoore iyo cirro wiil sheegtay baan ahay

Sharqantayda waran iyo la mood ciidan soo shiray.

Shansho gaabanoow aarka igu shabaahnaaye

Shafka lagu fariistiyo Waxaan ahay shiisha qooraha

Rag waa kala shisheeyaaye shirwac cigale baan ahy

Shaf ku dhogorle weyn baa ahay oo sheegta reer khalaf

Shankaroorta meesha ku rido shiishka lama waayee

Horta aan shirnee sow libaax shaaribo leh maahi

Ina gumeedka soo shirtagay waa ugu shabaaxaaye

Shoolaha markaa kala jabsheey shagax yiraahdaan

Shurunshuurka soo shaqo tagoow shuufay hadalkaaga

Laydh caafimaadiyo
Sida laama looshaan
Dabayluhu ay lulaayaan
Laafyahagan quruxda leh
Lubigaan lubigaan ka jecelee
Legga ma isi saarnaa
πŸ…°πŸ…·πŸ…ΌπŸ…΄πŸ…³ πŸ…°πŸ…»πŸ…Έ πŸ…²πŸ…ΈπŸ…ΆπŸ…°πŸ…» πŸ…²πŸ…°πŸ†ˆπŸ…ΌπŸ…Ύ 😎🦁
sundus salattπŸ₯°πŸ₯°πŸ€ŸπŸ€ŸπŸ€ŸπŸ¦…πŸ¦πŸ™

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
March 13, 2024 3,560 +1 +0.1%
February 03, 2024 3,559 -3 -0.1%
January 17, 2024 3,562 -38 -1.1%
June 10, 2022 3,600 +100 +2.9%
May 16, 2022 3,500 +100 +3.0%
April 16, 2022 3,400 +100 +3.1%
March 21, 2022 3,300 +100 +3.2%
March 09, 2022 3,200 +100 +3.3%
February 07, 2022 3,100 +100 +3.4%
January 16, 2022 3,000 +100 +3.5%

Charts

Member of

More Clubhouse users