✎Kolkii gaaladii boobaha ahayd baladka soo gaadhay 
✎Greek iyo kolkii Bortaqiis la isku baahaystey 
✎Bada saylac bay aheyd bartii laysku baacsaday 
✎Boqolaal bada eegayay baa baala weeraray 
✎Saylac Samaroon buu ahaa ninkii Seef ku maamulay 
✎Sedex boqol sagaal gaal baa la dilay saacadii qudha e 
✎Kolkuu Cali Dabloow na hambis yidhi gaalkii cabanayay 
✎Waar ma cirkaad joogtay carada laguguma sheegaynee 
✎Hadaad baladka leedahay maxaad baal u qaban wayday  
✎Hadaad baladka leedahay maxaan kugu baran waayay
✎Tariikhda buugyada maxad baal u gali wayday 
✎Xarbi kuma dhamaan dagaal rag isku haystaye 
✎Xabashida markuu damac ka galay dirifyada saylac 
✎Iyagoo dameeraha rartoo daafi dabaneysa 
✎Oo dag islahayd saylac iyo badaha daantooda 
✎Ahmed Guray dagalkuu la galay Goondhar buu tagay 
✎Shen kun baa shihiidkii dhintay iyo waliba sheeg sheeg 
✎Intaas oo marxaladood markuu rag isla soo meeray 
✎Bahalyahow buraqaan soo baxdiyo baaqi baad tahay 
✎Marba buurhihii baad fadhiday bur iyo caareey e
✎Hadaad baladka leedahay maxaad baal u qaban wayday 
✎Waxba yuun gabaygu ila durkhinee waxaan ku soo duubay 
✎Tabintaada markaan arkay iyo tamar adoo liita 
✎Turxaanba gabayga umaan yeelinoo waanba kuu tudhay . 
Abwaan Dhaganab 
Abwaan: 𝗢𝗠𝗔𝗥 𝗔𝗪 𝗝𝗔𝗠𝗔𝗖
🔹Lo’o baa Toban Dhararood Qada Jaga Jareerade Oo Hadana Haraad Tabanen Taa Aqbali Maayo
🔹Adhibaa Bankii Tuuyo Dhigey Oon Laamo Lagu Tidhin Oo Hadana Dhurwaa Tabanen Taa Aqbali Maayo
🔹𓃬Libaax Baa Rasaas Lagu Tirshoo Turuqa Jiidheysey Oo Hadana Ninkii Tabaneyn Taa Aqbali Maayo
🔹Garibaa Intuu Jaarso Tiro Kuna Dul Tiqtiqsan Oo Odeygu Reeraha Utalin Taa Aqbali Maayo
🔹Jidhwaq Baa Xornimo Tiigsan Oo Taabi Nolashoda Oo Xabashi Hoostoda Katagi Taa Aqbali Maayo
🔹GADABUURSI Baa Tiirloo Dacadnimo Taagan Ooy Duniduna Haatan Utaqan Taa Aqbali Maayo
🔹Reer Sheikh Isaxaaq Waxay Tabanayeen Hadey Taban Gacantodu Ineey Calanka Tuur Tuur Kadeyn Taa Aqbali Maayo
🔹Ogadeniyaa Samatashiyo Talasanoo Khayr Leh Oo Labada Tuurood Cuneyn Taa Aqbali Maayo Basasnimo
🔹Tariikhda Dunidiyo Intuu Taranku Soo Jogey Majeerteniya Xumo Katagi Taa Aqbali Maayo
🔹Hawiyaa Wuxuu Tabar Lahaa Tuur Iskugu Geeyay Oo Qaranka Kaligii Utalin Taa Aqbali Maayo
🔹Ciisa Wixii Lagu Turqiyo Talo Qabiil Deyni Oo Tiigsan Somali Weyn Taa Aqbali Maayo
🔹Toban Sano Ninkan Wada Jirney Ee Edey Taladisa Haduu Tunka Igu Sido Janada 
Taa Aqbali Maayo
if the data has not been changed, no new rows will appear.
| Day | Followers | Gain | % Gain | 
|---|---|---|---|
| July 02, 2024 | 2,845 | +3 | +0.2% | 
| May 29, 2024 | 2,842 | -1 | -0.1% | 
| April 26, 2024 | 2,843 | +3 | +0.2% | 
| March 17, 2024 | 2,840 | -1 | -0.1% | 
| February 24, 2024 | 2,841 | +2 | +0.1% | 
| February 07, 2024 | 2,839 | -1 | -0.1% | 
| January 20, 2024 | 2,840 | +1 | +0.1% | 
| January 04, 2024 | 2,839 | +2 | +0.1% | 
| December 19, 2023 | 2,837 | -1 | -0.1% | 
| December 04, 2023 | 2,838 | -1 | -0.1% |