Ninka dumarku Boqol jeer 
Axdi kaga baxeen ee 
Isagoon bogsoon wali 
Qofkii baanan laayeee 
Boogaha u dhayi laaa 
Wali baafiyaan ahay… 
Heer caalami 
—————————
Kurbadiyo xanuunkiyo 
Waxa kaarka igu shidey
Waa kali ahaantee 
Hadmaan ruux I kaaboo 
Kartiyo iyo awood 
Igusoo kordhinayoo 
I kaalmeeya helayaa. 
Heer caalami 
———————————-
Jacaylkaan soo tabcee 
Cidlada aan kaga tagiyo 
Waxaan tabayaa kashii 
Tudhaalaha ii lahayd…
Anoo toban jeer qaldamey 
Qofkaan I takoorin ee 
Cadawga iga tiirisiyo 
Waxaan tabayaa qofkii
Taageeraha ahaaa
Anoon tabcan maal aduun 
Hantina aan tuulan meel 
Qofkii toosh ii shidee 
Dhabada igu toosiyiyo 
Waxaan tabayaa qofkii 
Tusaaleha ii ahaaa 
Heer caalami 
———————-
if the data has not been changed, no new rows will appear.
| Day | Followers | Gain | % Gain | 
|---|---|---|---|
| May 23, 2024 | 416 | +5 | +1.3% | 
| July 05, 2023 | 411 | -9 | -2.2% | 
| November 25, 2022 | 420 | -2 | -0.5% | 
| September 15, 2022 | 422 | -4 | -1.0% | 
| August 01, 2022 | 426 | +1 | +0.3% | 
| June 25, 2022 | 425 | -4 | -1.0% | 
| May 19, 2022 | 429 | -1 | -0.3% | 
| April 11, 2022 | 430 | -11 | -2.5% | 
| February 12, 2022 | 441 | -5 | -1.2% | 
| January 05, 2022 | 446 | +3 | +0.7% |