🏖SPSA🏖
😁
Anigoo carruuraan murtida, caarif ku ahaaye
Sidii caalim sheekhoo waxbadan, cilmi baranaayey
Codka luuqda laabtiyo markaan, dhuunta ka cisiiyo
Caaglayaashu goortaas ayay, jare cillaalmaane
Bal aan curiyo caawoo kaluu, ii cuntamayaaye
Haddaan gabayga loo tirin ujeed gaagax kaa noqoye
Ma godlado haddaan loo astayn gumuca liishaane
Geeraar iyo inaan gabay tirshaa igu gar weeyaane
Waxay galabta beegsan tahay waa gob iyo isir baane
Aan gambiyo caawoo kaluu gantaal ii gudboon yahaye
Gobsantii Hargeysiyo Laasgeel sare u gudubkeeda
Garbosiman Dararweyne iyo intii Saylac lagu gaadho
Guduudkan xeebaha galahaya ee goosan ku aroorto
Gobolada galbeed iyo bari haddii la isu wada geeyo
Gal xareedi taaliyo intii Awalku gees yaalo
Goobaha dalxiiskiyo Laaso-Dahab goodiyada Booclay
Gobolkii horweyntiyo haldoor gabi ahaan Saaxil
Geesiyada rugtoodiyo Buloxaar galalacdii Ceelsheekh
Goonkii Xunbowayne, Tayaag iyo intii Lafo-ruug loo gaadho
Dhaymoole, Gugux iyo Xamaas iyo intii Bisiqa loo gaadho
Geel-lookor, Sanyare iyo intii Ballihiile loo gaadho
Laalays gobkeediyo, Hudisa iyo intii Jaleelo loo gaadho
Garbodiir, Cadaadlay iyo intii Biyoolay loo gaadho
Halka geela dhalay lagu maalahayiyo masalihii Gorod
Gucumaale Aar goob lagu gartiyo goonkii Bixinduule
Gaashaamo, hawd iyo Berbera goonyaha Oodwayne
Galoolay, mandheera iyo Sheekh ilaa Qoyta godonkeeda
Suuqsade, Gidhays, Abdaal iyo guudka saree Wagareed
Garbadaa Waraabeeye, Baarcad tan iyo Burco lagu goobo
Gal dad-liq ah oo Ciise Muuse dago soo loogu garanmaayo
Gobtii dhaladka ahayd iyo maaha geesiyada Geeska
Gefka iyo raggaan loola iman gabi xumaan maaha
Galabtay aar gudasho tagtee cudud la isu wada geeyo
Kuwa cadowga gaagabsha ee aan gabanin dagaal maaha
Ee aan gariir iyo cabsiba abid goorna lagu sheegin
Taariikhaha guunkana haddii loo gadaal celiyo
Geele iyo Haabiil raggaad garanaysaan soo maaha
Gadhwadeenka qarankeenana haddeer gaadhka sare maaha
Gob gobi dhashay Ciise Muuse gabi ahaan maaha
Gacal iyo xigtona reer tolkay Gaanka Isaaqa maaha
🦁Abwan kamaal 🦁
Ciise Muuse lebi raqaso ha iska laasimo'e
Laydhku ii qabay laalays dusheediiye
Leexada fardahaa reer wacays libin ha moodeene
Nin laxaad ku faanaba anaa liid darro u tegiye
Laayaankaa xeebta berbera laaxinbaw u baxaye
Ina cabdille xassan baa reer wacays u tiriyey
if the data has not been changed, no new rows will appear.
Day | Followers | Gain | % Gain |
---|---|---|---|
May 01, 2024 | 1,687 | +1 | +0.1% |
March 20, 2024 | 1,686 | +2 | +0.2% |
March 02, 2024 | 1,684 | +3 | +0.2% |
February 09, 2024 | 1,681 | +1 | +0.1% |
December 21, 2023 | 1,680 | +180 | +12.0% |
December 17, 2021 | 1,500 | 0 | 0.0% |
December 10, 2021 | 1,500 | +100 | +7.2% |
December 03, 2021 | 1,400 | 0 | 0.0% |
November 26, 2021 | 1,400 | 0 | 0.0% |
November 18, 2021 | 1,400 | 0 | 0.0% |