Said H. Abdirahman on Clubhouse

Updated: Jan 24, 2024
Said H. Abdirahman Clubhouse
447 Followers
901 Following
Mar 8, 2021 Registered
@saidmutlu Username

Bio

Agronomist
(Beeryaqaan)


Baahida aan reebnoo
Ciidu waa barwaaqee
Aan beerro fallanoo
______________________

Raggii hore iyo shaqada
______________
*Ma ku maaweeliyaayoo
*Madaddaalo nin weyn iyo
*Maad ma ku mariyaa!
*Milaygu waa milaygii
*Rag maleeganayey
*Naagana mooska hurdeen!
Horreey.!


Tixdan soo socota waxay ina baraysaa, in lo’da kaliya ay tahay waxa beeraha lagu qodan karo, ee aysan meesi kale ka suuroobin.
_________________
*Haleelooyinka geela
*Habeen noolba la maalo
*Haaneedkaa la baraa
*Hablo weynta gabdheedna
*Haasaawa la baraayoo
*Hoos baa loola hadlaa
*Dibigii hooyo wanaagsanna
*Harqoodkaa la baraa!

Beer-walaha oo tilmaamaya in, dadkii kale qodaalka ka hor bilaabay, isaga iyo qindigiisuna ay habsan yihiin buu yidhaahdaa:-
______________
*Labadeennani mooyee
*Labadeer kale mooyee
*Rag muraadkii dhamaysay


Marka beer-waluhu uu la dhaco sidda quruxda baddan ee dibidiisu hawsha u qabanayaan iyo qaabkay u qalabaysanyiihiin

Intuu ashqaraaro oo la dhaco, markaasuu ammaan oodda ka qaadaa oo uu yidhaa:-

*Sida qaalmaha geela
*Oo qoryo laysugu dhaabay
*Amba qoor-yar gabadheedoo
*Qalab aada la saaray
*Maxaa kaa qalam laynee
*Qoorta kuu galiyeen?
*Dhaldhalaalkiyo dhiinka
*Ma dhiilaad lulateen?
*Mise waa dhaladkiin
*Dhalanteedna lahayn?


Isagoo u dardaar warinaya dibida oo u sheegaya inuu daalka iyo dhibtaba la wadaago ayuu markaana odhanayaa;
_________________
*Sidii naag humbaniyoo
*Hadhuudhkii ka xumaaday
*Maxaad ii hadimayneed
*Hoosta iiga habaari
*Ma aniga hadhimeeyayoo
*Halkii kaaga dambeeyayoo
*Hiraabtii dabadee
*Hooyaday wax i siisay!
*Harqoodkaad gilgilayso
*Hornagaad jabinayso
*Hawli kuu madhximaysee
*Iga dayso hantaaqda!
*Sidii guunyar gabdheedoo
*Dhulkii guursi ka weyday
*waan galliin tagyaa iyo
*is guunguun badnidaa!
Horreeey!.

Tani waa duco guud oo loogu ducaysanayo, in wax soo saarku hagaago.
_______________
*Rabbiyow ha ina heerin
*Ha inna hooda xumaynin
*Rabiyow hedelkeenna
*Hadduudh uudle ka yeel

🇸🇴
نحن ناس الزراعة حبنا ليها حاجة تااااانية🥰🥰🥰

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
January 24, 2024 447 0 0.0%
September 17, 2022 447 +4 +1.0%
August 02, 2022 443 -1 -0.3%
June 26, 2022 444 -3 -0.7%
May 20, 2022 447 +1 +0.3%
April 12, 2022 446 +6 +1.4%
January 06, 2022 440 +8 +1.9%
November 29, 2021 432 +5 +1.2%
October 21, 2021 427 +5 +1.2%
September 14, 2021 422 +66 +18.6%

Charts

Member of

More Clubhouse users