RAGEEDII ? on Clubhouse

Updated: Jul 14, 2023
RAGEEDII ? Clubhouse
238 Followers
261 Following
@igadaajacyl Username

Bio

Waxaad qaan-gaadh tahay, markaad qof waxku yidhi ka tagi karto adigoo odhan kara ka xun intuu ku yidhi. Markaad garato in qofkastaa saxan yahay marka tiisa loo eego.

Waxaad qaan-gaadh tahay markaad bixin karto waxaad ubaahan tahay farxadda qofkale dartii. Waxaad qaan-gaadh tahay, markaad aqbasho kala duwanaanta fikirka, dabeecadda iyo hab dhaqanka, kuna aqbasho dadku sidey yihiin.

Waxaad qaan-gaadh tahay markaaney kula buurneyn intaad haysato iyo aqoontaadu. Markaad ceeb u taqaano isla weynida, qabka iyo faanka. Waxaad qaan-gaadh tahay markaad aqbasho dhaliishaada. Markaad xulato dadku waxyaabaha ay ku fiicanyihiin, ee aanad dooran meelaha ay ku liitaan. Waxaad qaan-gaadh tahay marka aanad u hadlin halagu maqlo, waala yidhiye, waxna u qabato ha lagaa sheekeeyo!

Qaan-gaadhnimadu maaha cabbirka kabahaaga oo weynaada, ee waa qaadka qalbigaaga oo weynaada. Waa masuuliyadda hadalkaaga iyo ficilkaaga oo aad ka fiirsato, intaanad odhan. Waa naxariistaada oo badata, waa adigoo ka xishooda wixii lagaala xishoon waayo, waa adigoo aamusa adigoo hadli kara, waa adigoo ka taga adigoo qaadan kara.

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
July 14, 2023 238 +90 +60.9%
October 31, 2021 148 0 0.0%

Member of

More Clubhouse users