libax nin galay iyo nin galadey baa og waa lala ciyaara libax laga cadheesiyey 🔥🦁
Gabaygan wuxuu ka mid ahaa silsiladdii Daarood-ku-xaar.🤢
Toorrida kuwii lala dhiciyo teerigii waranka
Kuwii shiihska lagu taagayee jaaha laga toogtay
Tusbax go’ay sidiisii kuwii tarabka loo laayey
Tafaariiqda nimankii guryaha lagu tadcaaraayey
Toddobaatan iyo dhawr kalaan teella loo dhigane
Waa tii ay tasoobeen sidii tiradi xoolaaye
Tumbushooda waatii la dhigay teedki Gumarroode
Daaroodka lagu taamayaa tacaddi weeyaane
Toddobaatan Geeliyo ninkii tira laxaad dhiibey
oo midab Tiriigleey arkoo tahan ku faallooday
Oo Guga aroos loo turqiyo tanafas eegaayey
oo xaajadiisii tognayd wiil ka kala tuuray
Oo gabayga loo tirinayaa tacaddi weeyaane
Quruumaha tartamayee u kacay tab iyo leexleexa
Nin waliba wixii uu tabcaday taw la soo yidhiye
Tumaal buu ahaa Muuse Dhiil taajna loo xidhaye
Waatay dhammaan taabaceen tala-xumaaliiye
Talyaaniga Triipoli haddii maalin laga taabay
Tagoogada waxaa looga xidhay tacaddi weeyaane
Tanac-tanacdu waa inan-gumeed tamaradiisiiye
Tol haddii u lee yahay waxbay tari lahaayeene
Marna haddanu dhawr tooganayn tookha haw miyine?
Tiiraanyadiisa ha qabo ee ha u tiraabina’e
Hana toosin waa gama’sanyay tuugga Habarwaaye