Danaysato Huhaa 000 on Clubhouse

Updated: Mar 19, 2024
Danaysato Huhaa 000 Clubhouse
1.6k Followers
414 Following
@uuaaauuuaaa Username

Bio

Cidi ma kuu sheegtay

Adigoo carruura oon laftiyo cududdu kuu buuxin
Cago-laab adoon haysan iyo qori cabaadaaya
Adigoon carqalad iyo mushkilad cidina kaa sheegan
Adigoon islaan ciir ka qubin caano gadanaysa
Dareenkiyo codkaagiyo adoo cabasho dhiibaaya
Oo cidhifka boodh haysta bay caydh ku mariyeene
Ciyaar iyo waxay kugu dileen caado-dhaafnimo'e
Dhar-cad ciidan lagu sheegay baa caynkaa kuu galaye
Meydkaagii oo ciidda yaal oo carjalaq daayey
Inantii is tidhi caawi bay dhaban caseeyeene
Cuud iyo garowshiinyo iyo caadadii dhaqanka
Cidna kaama bixin raalligelin waa ammuur culuse
Canaan iyo waxay soo direen gooddi iyo cay'e
Iyagaaba cabanaayey oo wada cadhaysnaaye
Qarankaad u ciidami lahayd wuu ku caasiyay'e
Cashiiradiyo ehelkaagi baa ciidda kuu qodaye
Caqli wixii lahaa uumiyaha kuu calaancale'e

Cishadaasi dabadeed rag baa qaatay cuno-buure
Inkastoo nin ragi ciil dugsado ama se ciirciiro
Mar uun buu sidii coofle aar qolo cantuugaaye
Dulmi cidhib ma yeeshee markay curatay baaruuddu
Inaan adiga kuu dilay cishriin cidi ma kuu sheegtay?
Cashar inaan u dhigay janannadii cidi ma kuu sheegtay?
Inuu caado-qaatihii cabsaday cidi ma kuu sheegtay?
Inaan nabaddii ceel dheer ku riday cidi ma kuu sheegtay?
Caanaha in loo qubay dartaa cidi ma kuu sheegtay?

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
March 19, 2024 1,623 +6 +0.4%
March 02, 2024 1,617 +11 +0.7%
February 09, 2024 1,606 +13 +0.9%
January 22, 2024 1,593 +11 +0.7%
January 06, 2024 1,582 +196 +14.2%
August 25, 2021 1,386 -2 -0.2%
June 26, 2021 1,388 -3 -0.3%
June 17, 2021 1,391 0 0.0%
June 10, 2021 1,391 +5 +0.4%
June 04, 2021 1,386 +9 +0.7%

Charts

Member of

More Clubhouse users