Siyaad on Clubhouse

Updated: Oct 7, 2023
Siyaad Clubhouse
772 Followers
648 Following
Apr 5, 2021 Registered
@siyaad7 Username

Bio

 
Cilmi Cabdi Warsame "Cilmi Liig"
Gabaygan waxa tiriyey Abwaanka la odhan jirey Cilmi Cabdi Warsame oo ku magac dheeraa "Cilmi Liig". Gabaygani waxa abwaanku ka tirshey oo uu sida la weriyo ugu horreeyey silsiladdii la magac baxday Daarood-ku-xaar ee ka dhacday duleedka Gaashaamo xilli ku aaddan 1942/ 1943 kii.

Dagaalkii labaad oo soconaya waatii Talyaani ku duulay Xabashi ee kala kulmeen jabka weyn. Dagaalkaas Talyaaniga waxa ka mid ahayd askar badan oo Soomaali ah. Dabkii uu Talyaanigu qubay waxa ka faa'iidaystay beelo Daarood ah oo Ugaadeen u badan kuwaasoo wixii ay saanad heleen kula soo dhaqaaqay deegaannada Isaaq, siiba beesha Garxajis.

Koox ka mid ahayd askartii Talyaaniga oo u badan Biciidyahan (Majeerteen) iyo beelo ugaadeen ah ayaa dumay ciidan 300 gaadhaya oo beesha Garxajis oo warma-qabto ah ku galay agagaarka Dannood illaa Gaashaamo. Ciidankani waxay gacanta ku dhigeen geelal aad u lixaad leh oo nabad ku daaqayey deegaankaas kaas oo ay kala didiyeen dhallinyaradii geelasha la joogtay.

Waa laysu qayshaday, wixii dab (hub) la hayeyna waa la isu keenay markaasaa talo jilbaha loo laabtay. Waxaa talo lagu gaadhay inaan geelaa laga dabategin maalintaas laakiin habeennimo la dul dego oo marka subaxdii caanaha laga maalo weerar lagu baadho. Kooxdii dhaca geysatay oo malaha aan filanayn weerar xoog leh ayaa habeenkii seexday subaxdiina sidii geel ay leeyihiin ayaa nin waliba dhawr Hadhuubgaal oo caano ah isku xaabiyey. Iyagoo sidii Gafane dhiig hiraabtay caanihii calooshooda hadba doc ula dillaamayaan ayaa afarta gees laga galay oo rasaas lagu maansheeyey. Illeen waa rag caano ka dhergaye cararkii baa xitaa u suurageli waayay markaasaa mid walba marka xabbaddu cuskato ayuu sidii geel qasaal ah isku xaaray.

Cilmi Liig oo raggii gabyaaga ahaa ee meesha marayey maalintaas ayaa la weydiiyey bal inuu mushkiladdan ka warramo markaasuu yidhi "Allaylehe waa Daarood-ku-xaar" markaasuu gabay dheer halkaa ka tirshey. Silsiladdan waxa ka qayb galay rag badan oo abwaanno ah   Gabayga Abwaan Cilmi Warsame Liig soo dhammaystiran, Waxa ka mid aha

Annagoo Dannood iyo fadhina, dacalladii Heeryo
Iyadooy dukaanleey u taal, duudda Garxajis
Iyadoo shir lama dayn karee, damallo loo waabay

Iyadooy dablaydii korjoog, debedda meereyso
Iyaduu dalaysane ratigu, doobta karinaayo
Na soo doonte nimankii qalbigu, doorsanaan jiraye
Intay weerar nagu daadiyeen, daafad loo eriye

Dumarkuna ka dhereg Uustarkay, dib u qubaayeene
Doomaar.

Invited by: R⃠o̶c̶k̶s̶t̶a̶r̶ ✪

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
October 07, 2023 772 -10 -1.3%
November 04, 2022 782 -4 -0.6%
August 28, 2022 786 -5 -0.7%
July 22, 2022 791 -4 -0.6%
June 15, 2022 795 -9 -1.2%
May 08, 2022 804 +33 +4.3%
March 31, 2022 771 +19 +2.6%
February 01, 2022 752 +87 +13.1%
December 26, 2021 665 +64 +10.7%
November 18, 2021 601 +74 +14.1%

Charts

Member of

More Clubhouse users