Ugaas Nuur Ugaas Rooble
Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay,
Nin i daaqsanaayana maxaan daafida u kariyay,
Jidhku nimaanu doonayn maxaan hadalka deeqsiiyay,
Ma dagdagee xaajada maxaan ugu dulqaad yeeshay,
Waji dabacsan daymo aan dareen galin dubaaqiisa,
Debna furan dabuub uuna ka didin deexashiyo muuso,
Qosol dibadda yaal oon ka iman dhuunta dacalkeeda,
Kanaan degay kanaan doorkan biday kani dan baan mooday,
Waxaa dood kaftan ah sheekada ugu daleeyaaba,
Dabinkaan u dhigo maalintuu dagalka soo saaro,
Intiiyoon dawaarka u rogoon xeelada u daadsho,
Isagoon digiin qabin maxaan kaga dayaansiiyay.
*Tani waa budhcad wayn
Dhanka baahi waxsheega
Hadana waa boqol jir
Dhanka baanahadooda
Burdahay akhridaa
Dhanka faafinta diinta
Bilis way u eegtahay
Badhaxna waakujiraaye
Xiniinyo yaaka baadha🤪