Yuusuf Dacar on Clubhouse

Updated: Nov 16, 2023
Yuusuf Dacar Clubhouse
386 Followers
378 Following
@sacadm Username

Bio

1. Dadku uma dhaqmaan si maangal ah, waana danaystayaal. Si kasta ha ahaatee jeclow dadka.

2. Haddii aad wanaag samayso, dadku waxay kugu tuhmi doonaan in aad dan ka leedahay. Si kasta ha ahaatee wanaag samee.

3. Haddii aad guul gaadho waxa aad yeelan doontaa saaxiibbo badan oo foojari ah, iyo cadow dhab ah. Si kasta ha ahaatee guulayso.

4. Maanta wanaagga aad samayso berri waa la hilmaamayaa. Si kasta ha ahaatee samee wanaag.

5. Runta iyo hadalcaddaantu waxa ay kuu soo jiidayaan dhaliil badan. Si kasta ha ahaatee run sheeg oo hadalcaddow.

6. Ragga iyo dumarka ugu waafi san ee xanbaarsan fikradaha ugu waaweyn, waxa joojin kara ragga iyo dumarka ugu liita ee xanbaarsan maskaxaha ugu yaryar. Si kasta ha ahaatee si weyn u fikir.

7. Dadku way jecel yihiin kuwa jilicsan, laakiin waxay dabagalaan kuwa islaweyn. Si kasta ha ahaatee u dagaallan kuwa jilicsan.

8. Wax aad sannado badan dhisaysay ayaa hal maalin ku dumi kara. Si kasta ha ahaatee wax dhis.

9. Dadku aad bay ugu baahan yihiin in la kaalmeeyo, se way ku weerari karaan haddii aad caawiso. Si kasta ha ahaatee caawi dadka.

10. Haddii aad dunida siiso waxa kuugu wanaagsan, dadka qaar ayaa abaaldarro kuugu jawaabi doona. Si kasta ha ahaatee dunida sii waxa kuugu wanaagsan.


Most people are already hurting and healing from past trauma. Be kind. 🙏🥲

Dad hadduu is kala guro
Danyar baa sokeeye leh.

~ Hadraawi.

Member of

More Clubhouse users