༄A̶R̶M̶A̶A̶N̶I̶ A̶R̶ on Clubhouse

Updated: Aug 4, 2023
༄A̶R̶M̶A̶A̶N̶I̶ A̶R̶ Clubhouse
4.1k Followers
708 Following
@qoftoshidan_ Username

Bio

❤️ 👣🅸,🅼 🆆🅰︎🅽🅰︎🅰︎🅹🅸🆈🅴👣 ❤️‍🔥Waxba ima yeelayso haddaan subxaha ✌️qaarkood intaan kaa hor kaco aan inoo sameeyo quraac yar oo fudud, maadama oo aan cunta karinta wax ka aqaano. Waxba ima yeelayso inaan xiliyada qaar intaan warqad kuu qoro oo dareenka aan kuu hayo kuugu cabiro dabadeedna aan kuugu rido meel aan ogahay inaad maalinta dhexdeeda ku arki doontid. Waxba i yeeli mayso haddaan shaqada guriga wax kaala qabto, oo kaana fudaydiyo hawlaha badan ee kuu yaala. Waxba ima yeelayso haddii aan maalmo fursad kuu siiyo inaad wax ka baxsan shaqada guriga samayso, waxaas oo adiga macno kula leh ama muhiimba kuu ah. Waxaan ogahay inaad leedahay waxyaalo kuu sameeya jawi farxadeed, kuna siiya degeni aad u badan.

Culays ma leh inaan mararka qaar kuu keeno hadyado aanad filaynayn, ku geeyo meelo aanad weli ku fekerin sidoo kalena aan kugu hor dhunkado dadyowga aad tar-tantaan nolol ahaan. Xishood iyo diiqad toona ma leh in marka aynu ehelka booqano ee isku kursina aynu fadhiisano aan gacantayda saaro bowdadaada amaba aan qabsado gacantaada xili aanad filayn. Layaab ma leh inaan yeesho dhaqanka ah inaan albaabka gaadhigeena kaa furo mar walba oo aad gaadhiga ka dhaadhacaysid , sidoo kalena aan kuu baneeyo meelaha aynu gelayno inaad adigu hor gasho, aniga oo ku leh; "Soo horee gacaliso."

Liidnimo maaha in marka aad uurka leedahay aan qabto hawlaha fud-fudud iyo kuwa culus ee gurigeena yaala. Maaha wax igu adag in shaqooyinka qaarkood aan kaa nasiyo si aad u daryeesho naftaada u baahan ilaalinta xoogan iyo nasashada badan. Waa wax lagu farxo in marka aad umulayso aan kula galo qolka dhalmada, innaga oo marka horeba sii diyaarsanayna dhakhtar ogol oo fahansan muhiimada ay leedahay in lammaanuhu wadda-jiraan xaaladaas adag oo kale, si xanuunka badhkiis aad la jirkayga awgii uga guddubto, oo markaad doontana aad gacanta xoog ii qabsato, gadhkaygana xafuujiso si aad isu dhaafiso xanuunka daran ee aad darteen u dareemayso.

Dhamaan amuurrahani waxa keliya oo ay u baahan yihiin dadaal aan badnayn iyo ka go'naasho ragganimo leh oo ku dhisan fahan, ilbaxnimo iyo dadnimo wadda socda, waana balan inaad intan iyo ka badanba ku noolaato muddada aynu adduunka wadda-jirno ee aad wehelkayga nololeed tahay.

Waana taas nolosha aan rajeynayo inaan la qaato boqoradayda aan ka calman doono aduunkan balaadhan ee aynu ku noolahay. ❤️‍🔥


ѕιrтυna waa dнadнanĸa 😂😜😉

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
August 04, 2023 4,166 +2,866 +220.5%
December 19, 2021 1,300 -100 -7.2%
December 12, 2021 1,400 0 0.0%
December 04, 2021 1,400 0 0.0%
November 27, 2021 1,400 0 0.0%
November 20, 2021 1,400 0 0.0%
November 14, 2021 1,400 0 0.0%
November 10, 2021 1,400 +100 +7.7%
November 06, 2021 1,300 0 0.0%
November 02, 2021 1,300 +100 +8.4%

Charts

Member of

More Clubhouse users