🇸🇴🇲🇾. Wuxuu yiri Raasuulku (SCW) "Qofkii igu salliya hal mar, Illaahay ayaa ku Saliyi Toban jeer".
Guduud looma raacoo haween, gabalba waa cayne Bidhaan gebi ka laalaadda waa, lagu gulaalmaaye
Noqo qof mahdiya, waxaadna garataa qiimaha naftaada
Noqo qof jacel waxa uu sameynayo
Marmarsiinyadu waa cadowga horumarka
Guushu waa shey u bahan sabir
Qorrax-dhaca halkan waxay Qorrax soo bax u tahay dhinac kale oo Aduunka ka mid ah. Ha quusan sababtoo ah wax u muuqda dhamaad ayaa xaqiiqdii ah bilow cusub🔅
Muhim Maaha inaad ka xanaaqdo wax dhabarkaaga laga yiri waayo hortaada lagama odhan karo😡
Ha ku dadaalin inaad dhisato guri weyn oo aad ku noolaato, laakiin ku dadaal inaad dhisato guri aad ku noolaato oo xasiloon oo ay ka dhex iftiimayso akhlaaq wanaagsan iyo Allah ka cabsi🕋
Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan, laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan🛤
Noloshu waxay macno badan yeelataa marki aad garowsato xaqiiqda fudud ee ah in fursad isku mid ah aysan laba jeer ku soo mareyn. Ka faa’iideyso fursad kasta🛩