Aisha Mubarik on Clubhouse

Updated: May 11, 2024
Aisha Mubarik Clubhouse
2k Followers
1.8k Following
Mar 16, 2021 Registered
@hodman_1 Username

Bio

Nabi mohamed salalahu caleyhi waa salam❤



Marki aan dhageystay podcastiga ياسر الحزيمي Yasir al xezemi (Sideey u guuleystaan xeriirada) ee soconayay 3 saacadood waxa aan kala soo dhex baxay:

1.
Xeriirka Alle in uu saameyn ku yeelanayo xeriirka maqluuqaadka kale, la dhaqanka wanaagsan ee Allaahna uu sedax shey ku taaganyahay:

🌻1. Inaa akhbaartiisa iyo waxa uu kuu sheegayo rumeyso.
🌻2. Inaad aqdaartiisa iyo wuxuu ku siiyo ku raali noqoto.
🌻3. Inaad raacdo awaamirtiisa.
Qofka akhbaartiisa rumeeyo, aqdaartiisana ku raali noqdo awaamirtiisana raaco ayaa ah midka wanaajiyay aadaabta uu kula dhaqmayo Allaah Sw.

2.
Is dareensiinta joogitaanka Alle.

Qofka mu'minka ah si walboy nolosha ugu adkaato saliigiisa ayuu ka helayaa raaxo, mar walbo oo uu is dareensiiyo in uu Alle joogo oo uu la jirane waxa uu ku ilaawayaa murugadi iyo mashaakilki haystay oo dhan.

3.
Waxyaabaha ugu muhiimsan marki xeriiro la sameeyo waa xirfadaha, waayo xeriirada waxa ay ku dhisanyiniin is caawinta iyo wax is weydaarsiga.

Mar walbo oo ay xirfadahaaga siyadaan waa mar walba ooy baahida ay dadka kuu qabaan siyaaddo, waana mar walba ooy siyaado kaaftoomidda aad ka kaaftoomeyso baahida aa dadka u qabto, mar walba oy xirfadahaaga yaraadaanna waa mar walboy yaraato baahida ay dadka kuu qabaan, baahida aad dadka u qabtana siyaaddo.

4.
🌿Kalsoonida: waa dareenka awood ayadoo ay awooda jirto.
🌿Kibirkana: waa dareenka awood ayadoo aysan awoodba jirin.

🌿Is xaqiridda: waa dareen la'aanta iney jirto awood ayadoo ay awooddi jirto.
🌿Wacyiga: waa dareen la'aanta iney awood jirto ayadoo aaney jirin awood.

5.
Horumarinta nafta ma ahan wax adag ee waa wax sahal ah.
Mar walba waxaan ku haminaa in aan muddo yar horumar weyn ku gaarno lkn sidaa ma ahan.

Ku bilaaw horumarada yaryar waayo waxa kugu dhiira gelinayaan inaa joogteyso kadibna joogteyntaas ayaa ku gaarsiin doonto natiijo aad u fiican.

6.
Yaad talo weydiisaneysaa?

Qofka aad talo ka qaadaneyso waa inuu lahaadaa sedaxdan sifood:

🌼1. Inuu yahay mid xigmad leh oo lagu yaqaan inuu yahay qof xakiim ah.
🌼2. Inuu si fiican kuu yaqaano.
🌼3. Inuu mowduucaaga iyo arinta ku haysato si fiican u yaqaano.

Ha u feydin arintaada qofki aad aragto adigoo isleh waa caadi waan isku kalsoonahay, balse la aad arintaada qof aad isleedahay wax buu kuu faa'ideyn oo talo fiican ayuu ku siin.

7.
Markey reerku hal meel wada fadhiyaan qof walba waxa uu haystaa taleefan, xeriirku ma ahan soo xaadirid ee waa dareemid.

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
May 11, 2024 2,002 +5 +0.3%
March 25, 2024 1,997 -1 -0.1%
March 08, 2024 1,998 +3 +0.2%
February 15, 2024 1,995 +1 +0.1%
January 28, 2024 1,994 +2 +0.2%
January 11, 2024 1,992 +2 +0.2%
December 26, 2023 1,990 +2 +0.2%
December 11, 2023 1,988 +4 +0.3%
November 26, 2023 1,984 +2 +0.2%
November 13, 2023 1,982 +1 +0.1%

Charts

Member of

More Clubhouse users