Soomaalida badh baan wada degnaa wada dakeynaaye
Inta aan dusha hawd jirniyo aaga daratoole
Degmadaa galbeed iyo afmeer xodayo duudkiisa
Doolo iyo intuu haro danood geelayagu daaqo
Bali xasan ayuu noogu da’ay
dhibici dayreede
Dacalda nugaal iyo bankiyo hoosta daraweyne
Dalwanaaga sool iyo kurtiyo daranta meesheeda
Daalo iyo sanaag iyo halkuu dahabku ceegaago
Daris baanu nahay reer absame dooga karameede