GALAYDH 17 on Clubhouse

Updated: Jan 22, 2024
GALAYDH 17 Clubhouse
764 Followers
305 Following
@gartacuyubuceli Username

Bio

MAGAC AANAD UBA DHIMAN MARUUN
LAGUMA HIISHO "
A H N M,MGE


Mar haduu miskiin kula murmo
Oo Magane kuu faano

Mar haduu sidii maati dumar
Muran lasoo boodo

Mar haduu maraan iyo calaan
miiska kuu fuulo

Oo uu ragii muuqan jiray
Midha yare u baano

Macno maleh inaan
maxamuudow Milil salaaxaye

Magarrame hilbaha malafsadiyo

Magari ii dhuuntay

Madax iyo calool lagu murmiyo
Mijo nin dhuuqaaya

Macal cune sariibadaha mira
Uus nin miiraaya

Nimay meheradii tahay waxaan maan rag qabanaynin

Marso layku midig qaaday iyo
Madal clubhouse

Margi iyo nin xiidmaha fagtiyo
Taharo moofeeye

Marag iima galo magaan yaro meel xun yuurura'e

Tolow magaca maad dhawrtid baa laygu maagaaye

Mashaqada risiqa kaa gasha malaha raan dhiise

Meel xun daye mareeg dhiigleh sida baadi mahambeeye

Maqaar saar cid lagu maali jiray madhan nin loo dhiibo

Waxba yaanu aniga ii malmalin maraq bariiseede

Minyaroyinka lagu ogaa madhax lasiiyaaye

Ma malaysan karo maati baa kuu muraad qumine

Aniga magliga hayn jiraye marin kalow leexo

Ama sida ban joogtii mar qudha haydin miro Aarku

Hugaaguna marbuu kula tagaa meheradaha qaare

Maandhow muqaawiirta waa laga mushaaxaaye

Malag baa dhawaqaaya iyo miige xoog badane

Marmarsiinyo layso mariyo
Cadho madiidaysan

Maana u ciil qaba ninaan
miisan jiray tiisa?

Maana midgaan ii tirshaa sida
mayeedhaanka ?

Maana markhaati unoqda
Miino lay Aaso ?

Maana haween ii marshaan
Weedha marinkayga?

Maana masayr iigalaa midho Asaagaya?

Munaafaq iyo maana wariif
Magansado dhawra?


"""""""""""""""""""""""""""'"""""""
W/Q= GALAYDH17
"""""""""""""""""""""""""""""""""""



Adigoon qamuunyo iyo ciil

iyo Qaraw kusoo toosin

Hanku quruxda weeye

kayeel qaali noloshaada

Hana qoonsan Aadmiga

qalfoof qaar ah baa jira'e

Ubaxii bad wayn lagu qubaa

wuu qalalayaaye

Qofna qiime Aanu qaadi karin

Adigu haw quudhin

Qashinkaba waxa lagu qubaa

meel qadhmuun badane

Dadka qaar qalbigu qaadhay

Oo qooman baa jira'e

Qiyaas yeelo togan yaanad noqon

qubayga soo hadhaye

Qorshe iyo halbeeg yeelo dheer

Yaanad quus noqone

Saxiibka qaarkiisna waa laga qasoobaaye

Qalbi xaadhan xulo yaanad noqon

qiiq arooryaade

Noloshuna qarbay saaranto Way qalibantaaye

qushuucdiyo taqwada quud kadhigo

diintu waa quruxe

"""""""""""""""'"""""""""""""""""""
(Hal-A GALAYDH)

"""""""""""""""""""""""""""""""""""

Member of

More Clubhouse users