Garaabidhan 23 on Clubhouse

Updated: Feb 5, 2024
Garaabidhan 23 Clubhouse
1.4k Followers
1.9k Following
@garabidh Username

Bio

Hooyooy Laa...anta
Aduunyadu hubaashii habeen kama baxdeenoo lfitin lama heleeno
Dadku uma Hayaameen dayax Heego Joogoo sida haad ma fuulen xiddig hawd kalulto
hawolagumagadhen
hubka lagumaturen cirka hirar Ka muuqdoo
Ruuxaad hagaysiyo Usha midad u Haysaa
Hiliin toosan Weligii Ka habaabi Mayee hooyoy Addoomuhu halkay Maanta Joogaan Adigow horseedoo
Intaad hanad Xambaartee Haaneedka siisee Horaaddda Jaqsiisee
Habtay baan Xisaab iyo tiro Lagu Heleynoo marka aad hiilloo Laga Baqo hashiisiyo
Halyey diran Dhasha baa hooyo Lagu Xasuustaa
marka aad Nin Hooloomarti gurigiisa Habaqluhu isku soo Halleeyoo
Hayntiisa quudhoo Hor lllaahay Geystiyo lama hure Dhasha baa hooyo Lagu xasuusta
Mar aad nin Himilada hilin Toosan mariyoo Hir Markii lagaadhoba Ku labaad Hilaadshoo haga maatadiisoo Lahigsado dhasha ba hooyo lagu Xasuustaa
marka aad nin Hoogiyo ka hor Taga daalkoo garta Hubin yaqaanoo Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha dabaka hura bakhtiiyoo
ku haggoogta dhiiggo dadka Kala Hagaajoo kala Haga Dhasha Baa Hooyo Lagu Xasuustaa
Maraad Hoobal Caaniyo Hindasaa Farshaxanoo Hab dhaca iyo Luuqdiyo
Hawraarta Maansad
Heensayn Yaqaanoo
Rabi Biyo Usiiyo
Labaadaba Hannaanshiyo Hal abuur Dhasha Baa
Hooyo Lagu Xasuustaa
Dumar iyo Haween Baa Nolol Lagu Haweestaa
kuwa Lagu Hammeyayee sida Hawd Caleen Weyn
Rag Uwad Hammuume
Isku Calasanaysaa
Hablahaaga Weeye
Marka Guur La Haybshee
Gabadh Heego Dheeroo Gabadh Heego Dheeroo Hoobaan La Moodoo
Karti iyo Hubqaadloo
Quruxdana Ka Hodaniyo
Hira Laga Aroostaa
Hooyo Lagu Xasuustaa
Hooyoy La aantaa Higgaad Lama Barteenoo
Hooyoy La aantaa Hadal Lama Kareenoo Ruuxaanad Habinoo
Kolba aanad Hees iyo Hoobey Ku Sabinoo
Hawshaada waaya
Hanaqaadi Maaye
Hoygii Kalgacalkee
Naxariistu Hadataay
Hooyoy Dushaada
Nabad Lagu Hubaayoo
Hooyoy Dhabtaada
Hurdo Lagu Gamaayoo
Hooyoy Taftaada
Dugsi Laga Helaayoo
Waxa Lagu Halmaala hooyo
Ababintadee
Hayin Lagu Badhaadhay
Hogol Lagu Qaboobaabay
Gogol Lama Huraaneey
Dugsigii Hufnaantay
Hidda Lagu
Arooraay
Intad Hooyo Noshahay
Hambalyiyo Salaan
Hanti Kaga Dhigaya
Hamrashiyo Xaq Dhowr ban
Dusha kaa Huwinyaa
Hooyo Dhimashadaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo Labtan
Kugu haynayayoo Weliga hogagan
KadulHeesayayoo
Hengel ban u Xidhaya intahadkagi
dushi gidi habar dugaggee
Ifka hibo ku nolow akhiro halkii roon

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
February 05, 2024 1,482 +11 +0.8%
January 18, 2024 1,471 +28 +2.0%
January 02, 2024 1,443 +21 +1.5%
December 17, 2023 1,422 +37 +2.7%

More Clubhouse users