Darwiish Hassan on Clubhouse

Updated: Dec 16, 2023
Darwiish Hassan Clubhouse
714 Followers
110 Following
@darwiishkanool Username

Bio

πŸŽπŸŽπŸŽπŸ—‘πŸ—‘βš”οΈSayid Mohamed Abdulle
Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane
Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne

Member of

More Clubhouse users