Burjaawi . on Clubhouse

Updated: Mar 24, 2024
Burjaawi . Clubhouse
1.4k Followers
964 Following
@burjuwaasi Username

Bio

Soomaali baa heshiisiyo
Dunidaa heshiis la ah
Waa sheeko huuhaaye
Halkaa aniga iga qora!
Soomaaliland hala
Ictiraafna heli doonta
Waa sheeko huuheeye
Halkaa iyana iga qora!
✅️✌
Mar hadii go'aamadii
Dastuurkii lawada galay
Goor hore la gees maray
Geel isuguma keen jiro!!
🤔🤔
Soomaaliyeey Qaran
Qaynuunkii diidee
Qoys qoys u kala go'a!!
❌️❌️
Allahayow clubhouse
Maxay baray kadeedkiisa
Faa'iido kuma qabo
Mana dayn karaayee!!
🇸🇴
Somaliyey walaalow
Oo noqo wadaniyiin
Wadajiroo is wada jecel
Aan wadanka kala jarin
Walaalooba kuligiin
Hooy wadari xooglee
Gobonimada wada jira
Koonfur iyo waqooyoow
Yaan laydin kala wadan
Warmo laysku kiin siin
Wiyeey laysku kiin dirin
War Somaali weyneey
Waligaa isweheshoo
Noqo wadan barwaaqa ah
Oo nabad ku waar abid!!
🤩❣❣❣❣❣❣❣❣
Dhool dhalan wanaageey
Dhaayahayga aragaaga
Dhaygag baa kasoo hadhay
Dheeh wanaaga midabkiyo
Dheeraanta joogaagiyo
Dhexda yar iyo gaadada
Dhac kasiiinta laafyaha
Dhamaantaa kor iyo hoos
Dhool dhalan wanaageey
Waxaad tahay dhamaystiran
Qurux loo dhameeyoo
Middaan adiga kula dhigo
Weli aysan dhalanine!!
Dhulka hadaad ku noolayd
Malaa anigaa dhoohnaayoo
Awal aan wax dhugan jirin
Mise xalay mid dhalatiyo
Rooblasoodhac baad tahay
Dhakafaaray aniguye!!
✅✅✅✅✅✅✅✅✅✅
Qofka anigu aan ahay
Ma qiimayn karayside
Hays oran qiyaasoo
Qalad hayga aaminin!!
Wax qayrkaygu kugu yiri
Qadaf iyo sax kuu rabay
Hay qabanin anigoo
Qalbigaaga haygalin!!
Qofka anigu aan aahay
Anigaa qareen u ah
Qaadina illaahay
Umataalo qayrkay!!
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
Ninka hooyadii xaas
Haa iyo maya u waydiin
Inay timaado hoygiisa
Waa huuraale caasiya
Haweenay ay u talisoo
Raganimo hankeed gabay
Yaan hadal la waydiin!!

♥︎♡♥︎♡♥︎♡♥︎♡
Feminism waa fayris
Fasahaadshey dumarkii
Diinteenii furqaan iyo
Ka fogeeyey dhaqankii!!
♤♡♤♡♤♡♤♡♤♡♤
Uurkaaga ruux ogi
Aamini maayo ereyada
Afka aad kaleedahay
~~~~~~~~~~~~~~~~
Xasad baan dadkeena
Xabad aan kareebayn
Xil haduu midkeen helo
Ama xoolo iyo sharaf
Qaarbaa xanuunsano
Xumadi ay kudhacaysa
Xaajo ugubna maahee
Illaa xaawo iyo aadan
Dadku ways xaqirayeen!!
xurmo qaaraad siisaa
Xabaal adiga kuu qoda
Qaaraad xumaysaana
Dantaadey u xiiqeene
Xis uyeelo aadmiga
Xidhiidh kaad la leedahay
Kuli wada xulmaahee!!
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
●●●●●□□●●●●
Falastiimba waabeey
Wadan jira ahaydoo
Walhinaysay calanoo
Welwel uusan kaga jirin
Inay waayi doonaan
War soomaali weyneey
Waydinkan isdilayee
Qarankiini wiiqee
Inuu cadow bad iyo wabi
Wiidaystay waa hore
Lana wareegi waa dhaw
Waad moogtihiin weli?!

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
March 24, 2024 1,443 +19 +1.4%
March 07, 2024 1,424 +29 +2.1%
February 14, 2024 1,395 +17 +1.3%
January 27, 2024 1,378 +20 +1.5%
January 11, 2024 1,358 +20 +1.5%
December 25, 2023 1,338 +25 +2.0%
December 10, 2023 1,313 +17 +1.4%
November 25, 2023 1,296 +11 +0.9%
November 12, 2023 1,285 +7 +0.6%
November 03, 2023 1,278 +9 +0.8%

Charts

Member of

More Clubhouse users