SULDAA/\/ ✓ on Clubhouse

Updated: Mar 23, 2024
SULDAA/\/ ✓ Clubhouse
1.6k Followers
1.6k Following
@5uldaan Username

Bio

MAGACYADA & NOOCYADA GEELA

AARAN   Geela lab iyo dheddigba   inta aan weli gaadhin da'dii uu ku rimi ama wax ku rimin lahaa.

ABEER        qaalin geela oo waqtiigii ay rimi lahayd gaadhay laakiin aan dhowr da'ood dhalin.

AFKUXUUBLE      Ilmaha  geela  ee isaga oo aan dhammays ahayn nolol ku dhashay.

ASTAAJIR        awr badan oo isku xiriirsan oo xamuul sida.

AWR              Geela kiisa lab.

AWRDHAL       hal da' kasta qurbac dhasha.

BAARFURAN          awr aan weligii la raran.

BAARQAB         awrka geela lagu daro si uu u rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba.

BAATIR             qaalin geel ah oo aan wali rimin waqtigii ay rimi lahayd.

BACADLE       awrka kala rarto      ee xooga badan.

BUUBAAL               awrka  la rarto ee rar diidka ah.

BUUDHQAB              hasha awrku abaahiyay ee  loo malaynayo inay rintay.

CAROOFI         neefgeea oocaroofi ah waaka  ee laxaad ka weyn ee sanqaroorta rogan leh.

CAYUUN/ACYUUN   geela gaagaaban ee laga helo deexda(dhulka badda xiga.

DA'FUR                         ratigu markaa  qooqbaxay.

DALAWI                neef geela oo dakawi ah waa ka caanaha badan.

DAYRDHAL    neefka geela ee dayrdhalka  ah waaka  xilli dayr ah dhalay.

DHIITO   neef geela oo cayilan.

DOOBBOGORAY                  awrka aan weli doobbada soo ridan.

DULKUMALABLE    ilmaha  geela ee dhiciska ah ee dhashay.

EERAAN  nooc geela ka mid ah oo dhaadheer.

EYDDIN     noocyada geela mid ka mid ah.

GAAN  Geel aan irmaanayn.
garmaal  geela la dhaqdo caano dartiis.

GAYAX    hal ilmihii ka dhinteen ama lagaqalay oo irmaan oo igarnimo lagu maalo.

GEELXERAAD      geel loo xerageeyey meel reerka ka fog.

HAL     geela kiisa dheddig.
haleelo      geel markaa dhalay.

HONONO     waxa layidhaahda  geela marka  xilligii uu dhali lahaa muddo yar ka hor dhalo.

HOOR           nooc geela ka mid ah, caano badan  adkaysi yar dhogor yar bar gaaban.

HOOTANUUG      ilmah geela  ee yar ee  aan hooyadiis laga maalin.

HORWEYN             geel badan.

KADIN  Boqol ka neef ee geel ah.

LUQMALIIGLE   neefka  geela  ee  da'da  yar ee cayilan.

MAAQUURRE      ilmaha  geela ee dhashay isagoon bilo dhammeysan.

NIRIG    geela  ilmihiisa kiisa lab iyo dheddigba dhawaaqa ayuunbay ku kala duwanyihin.

QAALIN             neefka geela labkiisa ama dheddigiisa ee aan da'dii rarashada ama curashada weli gaarin dheddig iyo lab labadaba wa ladha  dhahaa dhawaaqa ayay kukaladuwanyihiin.

BY:-Mustaf Abdulkadir Nur

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
March 23, 2024 1,605 +5 +0.4%
March 06, 2024 1,600 +8 +0.6%
February 13, 2024 1,592 +14 +0.9%
January 26, 2024 1,578 +15 +1.0%
January 09, 2024 1,563 +1,227 +365.2%
December 28, 2021 336 +126 +60.0%

Charts

Member of

More Clubhouse users