"Ninba wuxu ku taamaa
Ama hees ka tiriyaa
Tixo gabay ku sheegaa
Halka lagu tallaalee
Hawadiisu taallee
Uurkiisu tebayee,
Dumar taan ka sahansaday
Waa gabadh Togdheeroo
Maxamuudi toox weyn
Saddexqayd ka tolatoo
Tusbax luqunta galisoo
Tafta darayamuuskii
Taakiyo badh muuqdoo
Dhaclihii tarraxayoo
Sida boqorad taash xidhan
Hadalkeeda tirisoo;
Toddobaatan jeer baan
soo toosay xalayoo;
Sidaan timo haldhaaley
Ugu tebay hurdada xalay
Anigaba Togdheer baa
Tusku iiga muuqdaa.
Ninba wuxu ka taahaa
Ama talal ku sheegaa
Ama gacan ku taabtaa
Halka laga taftaafee,
Burco waxay ku taallaa
Xididdada tin iyo cidhib
Tebinaaya dhiiggee
Hadba dhan u tallawshoo,
Dayax taabbaqaadoo
Toban iyo shan joogiyo
Xiddigaha tartamayee
Isku taxay dushiisaa
Tahan iiga hirayoo
Tusmo barashadeediyo
Taltallaabsigeediyo
Tarantarinta laafyuhu
Meeshay i turuqdiyo
Tawstay i galisaa
Igu sii tarmaysoo;
Sidaan timo haldhaaley
Ugu tebay hurdada xalay
Anigaba Togdheer baa
Tusku iiga muuqdaa."
- Togdheer | 1972.
Day | Members | Gain | % Gain |
---|---|---|---|
June 27, 2024 | 119 | +1 | +0.9% |
March 21, 2024 | 118 | +1 | +0.9% |
January 31, 2024 | 117 | 0 | 0.0% |
December 17, 2023 | 117 | 0 | 0.0% |
November 07, 2023 | 117 | +2 | +1.8% |
October 07, 2023 | 115 | 0 | 0.0% |
September 07, 2023 | 115 | 0 | 0.0% |
August 10, 2023 | 115 | 0 | 0.0% |
July 08, 2023 | 115 | 0 | 0.0% |
June 16, 2023 | 115 | -3 | -2.6% |