πΊ--Gacan iyo in geed laga hadlo iyo nin gobanimmo sheegtay!
πMudug & Doollo Bartankeeda. Β©οΈGOLE WAAYEEL. β’Wuxuu yiri:-
Laga deylo laga soo jaray oo laxan baruuroobay
Oo nin yiri lix sano hilib ma arag lud iyo jiir toona
Nina yiri labaatan iyo kow wali ma laalaadin
Nina yiri lix qaalmood qabsadoo laqafka iidaaya
Nina yiri tukoow laylka dhexe laafi gabigiisa
Nina labalagdeyn ugu jiroo jiifki ladi waayey
Nin kalana inuu laagaxo oo qolo ku laaluusho
Nina rabo inuu kaligi liqoo meel isugu leexsho
Nina irrida laban laabanyahay laysina u haysto
Nina yiri laxdaba hooyadeed lacag anaa siistay
Oo nin yiri lafteedaan lahaaye xalayto yaa loogay
Hilibkaa lurkiisii batay oo qoloba laacayso
Nin walbaa ha soo liicin yiri yaadan liid noqone
Siyaasadda ninkii liil bata oo ugu lib roonaada
Goortuu ka looxaansadoo shaaribada leefo
Lixadan sano sagaalkoodi kale lowlow waa noqon
Loxod iyo xabaal waa u halis inay ku luudaan
Waxse daran libaax kale inuu laayacood helo
Tobonkuba liciif wada noqdaan laqana gaadaa
Lagdin dabo maryo leh lagu dhuftaa licib la saaraayo
Liiskaba xariiq laga marshaa qalina leefaa πΊAUN Ali Jama Dulle (Cali Dhagfin)
Day | Members | Gain | % Gain |
---|---|---|---|
May 27, 2024 | 11 | 0 | 0.0% |
March 05, 2024 | 11 | 0 | 0.0% |
January 15, 2024 | 11 | 0 | 0.0% |
December 02, 2023 | 11 | 0 | 0.0% |
October 27, 2023 | 11 | 0 | 0.0% |
September 27, 2023 | 11 | +1 | +10.0% |