Hargeisa to Qurbo Joog on Clubhouse

Hargeisa to Qurbo Joog Clubhouse
26 Members
Updated: Jun 20, 2024

Description

WELCOME TO OUR PAGE📍
GACMUHU WA QOLFOFE QALBIGA IDIN SALAMAY🎤

**33.Waxa da'yartu dooni iiga raacayaan, baa iga degi waayay

34.Waxa diintiyo dastuurka doc looga maray, baa iga degi waayay

35.Waxa dadartiyo Jebiska loo daldalayo, baa iga degi waayay

36.Waxa lay daryeeli laayahay, baa iga degi waayay

37.Waxa duxda igu jirta looga fooraro, baa iga degi waayay

38.Waxa dariiqyadii I dul yaal loo dayacin, baa iga degi waayay

39.Waxa ay durba qaylo dadkii dudubinayaan, baa iga degi waayay

40.Waxa dumarkii u daaleen raggii u dixindixin,baa iga degi waayay

41.Waxa dibjir iyo caruurba loo dayacay, baa iga degi waayay

42.Waxa damiirkii dadka qalajiyey, baa iga degi waayay

43.Waxa dir-soocu weli u daran yahay, baa iga degi waayay

44.Waxa daacadii looga durkay, baa iga degi waayay

45.Waxa danyartii looga damqan, baa iga degi waayay

46.Waxa dusduskiyo khiyaamada looga digorogan, baa iga degi waayay

47.Waxa dadkii muruq isugu deyin, baa iga degi waayay

48.Waxa ay dadkii qurbo joogi iigu daadegin, baa iga degi waayay

49.Waxa dadkii doorashadii usoo dabreen, baa iga degi waayay

50.Waxa dadka qaar laygu daawan, baa iga degi waayay

51.Waxa ay daruurihii usoo daadineyn, baa iga degi waayay

52.Waxa dacar iyo macaan weli deris ka dhigay, baa iga degi waayay**


53.Waxa dadkii dibindaabyo looga deday, baa iga degi waayay

54.Waxa biyihii weli dirqi ka dhigay, baa iga degi waayay

Some Club Members

More Clubs