Mohamed Mumin on Clubhouse

Updated: Jul 27, 2023
Mohamed Mumin Clubhouse
380 Followers
442 Following
Mar 8, 2021 Registered
@xuuxaaydiriye Username

Bio

Xilligii Khaliifkii Abuu Bakar Al -Siddiiq - Allaha ka raalli noqdee -

Ayaa ey abaar xuni dhacday dadkina aad u gaajoodeen markey arintii cuslaatay ayeey Odayadii U tageen Khaliifkii Abuubakar (RC) kuna yiraahdeen Khaliifkii Ummadoow "Samadu roob ma di'in dhulku waxba kama soo bixin, dadkuna waxay qarka u saaran yihiin baa'bba ee haddaba maxaan yeelnaa?

Abuu Bakar - Allaha ka raalli noqdee - Wuxuu yiri: iska tag, oo samra, waayo waxaan rajaynayaa inaaney Qorraxdu dhici doonin Insha Allah illaa aad war aad ku faraxdaan Heshaan.

Isla Galabnimadiiba waxaa soo baxay war ah in kolonyadii Awrta ahayd ee Cuthmaan bin Cafaan - Allaha ka raalli noqdee - ay ka timid Shaam oo ay timid Madiina.

Markii ay timid baa ey dadkii u soo baxeen si ay u salaamaan, Waxayna ka koobnayd kun Rati oo sido subag, saliid iyo bur lagu raray, waxayna istaageen albaabkii Cuthmaan Alle haka raalli noqdee.

Markii rarkeedii gurigiisa lagu soo dajiyay, bey ganacsatadii U timid. Cuthmaan, Allaha ka raalli noqdee, wuxuu ku yiri: maxaad doonaysaan? Ganacsatadii ayaa ku jawaabtay: Waad ogtahay waxaan rabno.

Cuthmaan wuxuu yiri: imisa ayaan ku kasbanayaa qiimaha aan ku iibsaday?
Waxay yiraahdeen: Halkii Dirham Labo dirham ayaan kuu saaraynaa.

Wuxuu yiri: Kuwo kale ayaa i siiyay wax ka badan taas
Waxay yiraahdeen: Afar! Ayaan kaaga dhignay.

Cuthmaan, Allaha ka raalli noqdee, wuxuu yiri: kuwo kale ayaa intaas ka badan iga siisanayo.

Ganacsatadii waxay yiraahdeen: Halkii Dirhamba Shan Dirham baan kuu saaraynaa.

Cuthmaan wuxuu yiri: Kuwo kale ayaa intaas ka badan ii hayo.

Waxay yiraahdeen: Ma jiro ganacsade aan annaga ahayn oo magaalada jooga, mana jirto cid cid naga soo Horreysay, haddaba yaa ku siinayo wax ka badan intaan bixinnay?!.

Cuthmaan, Allaha ka raalli noqdee, wuxuu yiri: Ilaahay baa halkii Dirhamba 10 Dirham ii saarayo Camalka wanaagsanna wuxuu la mid yahay toban, marka intaas ma iiga kordhinaysaan?

Waxay yiraahdeen: Maya.

Cuthmaan wuxuu yiri: Waxaan Eebbe uga marqaati dhigay inaan wixii Awrtani ay keentay ka dhigay sadaqo aan siinayo kuwa saboolka ah ee muslimiinta ah.

Markaas buu Cuthmaan bin Cafaan Allaha ka raali noqdee bilaabay inuu qaybiyo alaabtiisii, mana jirin mid ka soo hadhay masaakiinta magaalada marka laga reebo inuu qaatay wixii isaga iyo qoyskiisa ku filnaa!!!!.

Haddaad Dhammaystirato Aqriska Sheekadan Ku Sali Nabiga"SCW)



Allahuma Sali calaa muxammed

والله أعلم.

Invited by: Max @06

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
July 27, 2023 380 -6 -1.6%
October 30, 2022 386 -5 -1.3%
July 19, 2022 391 +3 +0.8%
June 12, 2022 388 -6 -1.6%
May 06, 2022 394 +2 +0.6%
March 28, 2022 392 -3 -0.8%
January 30, 2022 395 +3 +0.8%
December 23, 2021 392 +1 +0.3%
November 15, 2021 391 -3 -0.8%
October 07, 2021 394 +7 +1.9%

Charts

Member of

More Clubhouse users