πŸ…§οΈŽπŸ…˜οΈŽπŸ…›οΈŽπŸ…“οΈŽπŸ…˜οΈŽπŸ…˜οΈŽπŸ…“οΈŽ πŸ…™οΈŽπŸ…οΈŽπŸ…œοΈŽπŸ…οΈŽ on Clubhouse

Updated: Jul 6, 2023
πŸ…§οΈŽπŸ…˜οΈŽπŸ…›οΈŽπŸ…“οΈŽπŸ…˜οΈŽπŸ…˜οΈŽπŸ…“οΈŽ πŸ…™οΈŽπŸ…οΈŽπŸ…œοΈŽπŸ…οΈŽ Clubhouse
27 Followers
3 Following
@xildiid-jama Username

Bio

Nimanyahow gaddii gabay baryahaan waan ka gaabsaday'e


Gurboodkiyo haweenkaa is yiri waanu garaneyne.


Aan gufaacsho waa tii inuu guuray loo filaye.


Sida gibil fushade iyo cirkoo bari ka soo guuxay.


Oo gaaxsanaayoo in badan loo gu' tirinaayey


Aan gufaacsho waa tii inuu guuray loo filaye.

☞︎︎︎Nimanyahow gadii gabay baryahaan waan ka gaabsaday'e


Gurboodkiyo haweenkaa is yiri waanu garaneyne.


Aan gufaacsho waa tii inuu guuray loo filaye.


Sida gibil fushade iyo cirkoo bari ka soo guuxay.


Oo gaaxsanaayoo in badan loo gu' tirinaayey


Aan gufaacsho waa tii inuu guuray loo filaye.


Sida geel irmaad oo nirgii kobaha loo geeyey


Oo loo godlaayoo ragii gaawaha u qaatay


Aan gufaacsho waa tii inuu guuray loo filaye


Waxaan uga goleeyahayna waan idin garwaaqsiine


Dhulbahantaha gedii lagu yiqiin gooshkan laga waaye


Gantoo iyo waxaa lagu ogaa geesi haara lehe


Gantaaliyo waxay ridi jireen gumuc rasaaseede
Hadii maanta gocay laltoo gaardi la eryoodo


yaa good lahaayeey hadii la isla wada gaaro


Cadow goostay kama haysan jirin sidigta geeraare


Gumuc iyo rasaas kulul hadii la isku googooyo


Hadii ka goor iyo goor rag is garaacaayo


Gadaal ugama noqon jirin dagaal maalin la isgalaye


Ha yeeshee gu'yaashan damaba gaabis baa galaye


Niman gabalba meel taagan yahay gool ma dhaliyaane


Kuwa isaaq galbinayaa jiraan garasha dheereyne


Nin walaalkii gowracayaa oo cadow u geynaaya


Gabadhiisu guur ma leh run bay gobi ku doodaaye


Maahmaah gun dheer baa jirtoo soo garwaaqsaday


Geedkii faashka lala fuulay oo lagu garaacaayey


Hadaan godinta gabalkii kujirin laguma gooyeene


Hadaad gar isu raacdaan anagu gogol ma jiifneene


Gurmad iyo waxaad heli lahay guluf majeerteen


Caynaba ayaan geli lahayn maalin gelinkeede


Warsan geligu waa gubi lahaa meesha uu galo'e


Nina kuma gam'een ceel afweyn godobadiis'e


Gedigood moorcasaa imaan lahaa gebi ahaantood'e


Intase gudaha laascaano uu cadow ka giisaayo


Oo ay gawaarida habruhu gararableyneyso


Oo gacaladey iyo bahdey lagu garaacaayo


Gunbaan ahay gareys baan xidhnahaygabayna waan daayey.
Hadiise guulahay igu simoo ay naftanu gaadho


Geeraar dhamays tiran marbaan soo gudbinaay'e


Cara reerka geedi u raroo lebiga gaarsiiya


Garba siman caray ciidamada meel isugu geeya


Gabal dhaci iyo waaberi caray guluf u taagnaada


Caray geesiyaashii la xiray boqol u soo gooya


Cara guud-cad iyo gaaran iyo keena kubataale
πŸ‡ͺπŸ‡Ί

Member of

More Clubhouse users