A̳A̳̳B̳̳̳O̳ ༆ on Clubhouse

Updated: Mar 21, 2024
A̳A̳̳B̳̳̳O̳ ༆ Clubhouse
1.7k Followers
1.1k Following
@xaaji146 Username

Bio

Qarnigaan aan joogno wax kasta wey hormareen sida isgaarsiinta, aqoonta iyo tagnoolijiyada qeybaheeda kala duwan. 
 
Waxaa sidoo kale hormarkaasi si fiican ula hana qaaday jaceylka u dhaxeeya labo qof oo isdooratay. Inkastoo jaceylka barashadiisa lookala hoorey.Hadaan Soomaali nahay jaceylka waagii hore qofba si ayuu u macneyn jiray walow raggu ay u yaqaaneyn jaceylka in uu yahay suuro ama kibir laguna yaqaanayey dhalinyarada hadba casrigaas cusub.

Laakiin dumarka wax un bey ka yaqaaneyn inkastoo xishood Alle u dhaliyey iyo usluub wanaag dhaqankeyna, ayaa u suurta galin weysay in ay soo bandhigaan.Hadaan u soo laabto ragga maanta jira ayaa jaceylka in badan wax ka fahmay marka loo barbardhigo raggii hore ee soomaalida, hadaan tusaale ahaan u soo qaato raggii hore marka ay xaasaskooda u wacayaan midka ugu fiican ayaa waxuu ugu yeeri jiray magaceyda, inta kale waxay isticmaali jireyn magacyo aan fiicneyn sida naayaa ama sina weyneey iyo ereyo aan qofka loo yeeraayo qalbigiisa soo jeedaneyn, laakiin waxaa dhaqankaas maanta badalay jiilka cusub oo marka ay xaasaskooda u wacayaan ugu yeera inta badan macaanto, gacaliso, indho u roon, nafta iyo ereyo badan oo aan qoraal lagu soo koobi karin oo qofka loogu Waco jecleysanaayo. 

Intaas waxaa dheer, wax raggii hore ceeb u yaqaaneyn ayaa raggaan maanta cusub jaceyl u yaqaanaan, waxaana ka mid ah arinkaas in suuqa looga soo adeego iyo in hoosha guriga laga caawiyo xaaska, arinkaasoo raggii hore ay ceeb weyn ka aheyd dhankooda. marka laga reebo in yar oo Alle wax fahansiiyey mooyee. Dhalinyarada maanta jirta hadaad dhageysato ayagoo la hadlaya xaasaskooda ama qof ay qorsheynayaan in ay guursadaan, adiga oo jaceyl ku heyn ayaaba jaceyl ka qaadeysaa afkooda maxaa yeelay waxay isticmaalayaan erayba erayga uu ka naxariis badan yahay. 

Dhalinyarada maanta cusub ayaa jaceylkooda inta badan guuleysto, kaalin lixaad leh-na ka qaatay hadiyooyinka kala duwan ee aalaaba u hadiyeeyaan xaasaskooda ama gacalisadooda taasoo keenta jaceyl fara badan sida rasuulkeyna Maxamed scw inoo sheegay asagoo dhahay “isku hadiyeeya aad is jeclaataane”.

Hadiyadaas ayaa wax kasta noqon karta sida fiyoore, dhar, mac-macaan ay gacalisadaada ay jaceshay ama wax walba oo qof binu’aadan ah qalbigiisa soo jeedan karaan

Waxaa arin weyn oo lagu farxo ah in maanta ragga jira ay jaceylka aad ula anba qaadeyn, si wanaagsana u xushmeeyaan dumarka, marka gabdhaha maanta jira waxaa la gudboon in ay ka faa’deystaan fursadaan qaaliga ah oo ayagana dhinacooda

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
March 21, 2024 1,722 +11 +0.7%
March 04, 2024 1,711 -37 -2.2%
February 11, 2024 1,748 +8 +0.5%

More Clubhouse users