Mr. Qaraami on Clubhouse

Updated: Sep 25, 2023
Mr. Qaraami Clubhouse
358 Followers
329 Following
@wayee11 Username

Bio

Marka aad dhimato aduunyadu kuma tabayso, kuumana murugoonayso, caalamku sidiisa ayuu iskaga sii soconayaa. Shaqadaadi qof kale ayaa qabanaya xoolahaagi dad kale ayaa dhaxlaya, waxba yaanay ku dagin xoolahaaga, tolkaaga, ubadkaagu iyo Teetalkaagu.

Maxaa ka liita aduunyadaan! Maxaase ka weyn waxa soo socda! Qofkaaga iminka noolow marka aad dhimato saddex qof ayaa kaa murugoonaya:

1- Dadkii dusha kaa yaqaanay waxay oran doonaan ”maskiinka Allaha u naxariisto”

2- Saaxiibadaa dhowr maalmood ayay kaa murugoon doonaan kadib sheekadoodi ayey iskaga noqon doonaan iyo qosolkoodi.

3- Murugada ugu weyni waa qoyskaaaga waxay kuu murugoon doonaan toddobaad, laba toddobaad, bil ama sanad dhan laakiin aakhirka way iska kaa ilaawi doonaan oo xasuustooda waad ka hari doontaa.

Qisadii aduunyo sidaas ayay ku dhammaatay, waxaana bilaabanaysa qisadii dhabta aheyd waana aakhiro.

Quruxdaadi iyo dadkaagiba waad is nabad galyayseen😭waxaa kugu soo hadhi oo keliya waa camalkaagi.

Su’aashu waxay tahay maxaa u diyaarsatay nolosha xaqiiqda ah ee kugu soo wajahan ?
Runtii waa arin u bahaan in wax laga qaato Saalada faralka ah ku dedaal, sunnayaasha iyo sadaqada qarsoon, camal wanaagsan, salaatu leylka iyo akhlaaqda wanaagsan laga yaabe kuwaas iney ku badbaadiyaan.



Alle wadada xaqa ah hanagu sugo, hanoo naxariisto, hanoo dembi-dhaafo. Rabbi dunida fitnooyinkeeda hana hareer mariyo.

🚧          🔕  Somaliland ❤️ 🔕       🟩🟩🟩🟩🟩🟩🟩🟩🟩🟩🟩🟩       ⬜⬜⬜⬜⬜﷽ ⬜⬜⬜⬜⬜       🟥🟥🟥🟥🟥🟥🟥🟥🟥🟥🟥🟥

More Clubhouse users