Qasim1217 snap chat
Aarkuba markuu markuu kaynta iyo ayda miranaayo 
Abeer buuxsantay iyo goolashuu iligta saaraaye 
Afka ulama tago guunyada iyo iniq sagaaraade
Atoor geesahii waa intan aafo wayn dhicine 
Hadii lays abxalo ina gumeed waa aduudumaye 
Dadka uufanaagaa anoon ku adyadoonaynin 
Anoon eebo iyo waran miskiin araxda naafaynin 
Intiii  laga ajoonjiray anoon la saraaraynin 
Anigoon amuuraha dahsoon uba ubaynaynin 
Anoon umal hadlayn carada waad ku arin seegtaaye 
Edab iyo asuul iyo wanaag hadii layla iman waayo 
Amuurtii aan dhigo dhaaxo waa la arki doonaa 
Afartaa ada iyo wawga iyo alif ma qaad siiyay 
Ma alkumay waataan murtida aaladay jiraye
Ubataynta iyo oloolku waa aba karkaygiiye 
Ma ekeeyay bayd gaabku waa kala ilaawaaye 
Afarkalana waa oranayaa eega dabadeed 
Ununufku  waa ina gumeed alamba iisiiye 
Ninwayn eraygi waa in uu murtida ku iba beelaa 
Meel uu libaax ka onkaday baa dhidr ka eelayne 
Inta aan hubkan aasay iyo aarmigu isgaari 
Alow yaa uub lays kuma ridee aan ajalin ruuxdiisa 
 Ibraahimoow mihindiskayga gabay waw midhtidhiyaaye 
Matal hadalku iigama tago iyo maliyo been beene 
Taariikh mugwayn baan murtida uga macnoodaaye 
Waxan soo madaahibay un baan madasha keenaaye 
Ma maqiiqo xaajada midaan helinin maamuuse 
Ma majeerto ceeb ee xaqbaan madal ka sheegaaye
Xigto murantay xaajada hadii rag isku maan dhaafo
Miishaar ma mariyo ee rayiga waw miyiriyaaye 
Ma mud mudo niman gacal nahay iyo mudan sokeeye 
Anoo magaca daarood dhamaan meel isugu keenay 
Mid anoo an liiday kan kalana mudan ku sheegaynin 
Min qaloocan muraar leexsan bay guni ku maaxdaye 
Ninkii aniga iiso mur baxa ee maadso garan waaye 
Ee malabka aan shubay nimcada muudsan kari waaya 
Mariid iyo dhunkaal iyo markaan dacar magoowsiiyo 
Mawjada is dhaafa iyo markan maayo soo kiciyo 
Oo aan mashiinada qarxa iyo miidana istaaro 
Mowd in uu ku gaardiyayo baan marag u haystaaye 
Nin madiidin magantiisa Galay meelxun waw halise 
Maamuus kama helin madashi lagu maakunaye 
Meeshaa intii joogtay anoon gees u kala miidhin 
Anigoon maraabo iyo qalooc muhasho faalaynin 
Mar aan dhowro xaajadaa halkii madaxa loo saaro 
By abwan qasim
if the data has not been changed, no new rows will appear.
| Day | Followers | Gain | % Gain | 
|---|---|---|---|
| July 03, 2024 | 1,770 | -1 | -0.1% | 
| May 30, 2024 | 1,771 | +3 | +0.2% | 
| February 25, 2024 | 1,768 | +3 | +0.2% | 
| December 20, 2023 | 1,765 | +1 | +0.1% | 
| November 09, 2023 | 1,764 | +1 | +0.1% | 
| October 13, 2023 | 1,763 | -37 | -2.1% | 
| April 20, 2022 | 1,800 | -100 | -5.3% | 
| January 07, 2022 | 1,900 | +100 | +5.6% | 
| December 24, 2021 | 1,800 | +100 | +5.9% | 
| December 16, 2021 | 1,700 | +100 | +6.3% |