“Awal Horaba Kuma Aadaneyn, Adhi Fadh Iidoor,
Waxaa Geela Aaneysan Jiray, Ubaxa Daaroode!”
“Jacayl Kubilowday XanXan,
Xanuun Igu Reebay iyo XulXul,
Xishood Igu Beeray iyo XidhXidh,
Xididada Jidhkiyo Igu Qabo Xubiga!” Abwaan Jaango.
“· Labo Dheri dhardhaar iyo dabbaad, kala dhextaalaaye
· Lafo dhuuxba laga waayeybaad, dhabaqsanaysaaye
· Hal dhurwaa candhada gooyeybaad, dhiil u sidataaye
· Adoo Adari dhaantada ka tumi, yaa dhab lagu siine
· Ka dhaqaaq kobtaad taagan tahay, dhabano weynayde.” Abwaan Cabdi Gorod.
“·Qamaan iyo Ismaacill Miriyo, Qawdhan iyo Saahid
· Qudhii Maxamed qawlkii Salaan, qodobyadii Raage
·Qarnigii horeetaan ka hadhay, qoonkii gabaygiiye
· Qabri baanan gaadhine adduun, qaatay calafkay e
· Qorraxdii gudeysaan qabsaday, Qaahiraan tagaye
· Qalin iyo waraaq baan sitoo, qaaradaan maraye
· Wax i qaaday mooyee cirkaan, qadaw ka laacaaye
· Qudha Adari quruxdii Jigjiga, Qaali iyo Faafan
· Qawyaha Nogbeed iyo Wardheer, qaalinimadeeda
· Qabridaharre iyo Dhoobo-weyn, qadadii noo tiilley
· Qoorriga Suweys kama xumayn, qoodhay xeradeeye
· Lagase qaaday qoonkii lahaa, taniyo Qaabiile
· Ogaadeenkan qaxay jeer damboo, qaybta laga daayo
· Oo qoriga laysla hor fadhiyo, qolo ku faa’iiddo
·Qarxin mahayo gabaygaan hayee, hayska qamardaado.” Abwaan Cabdi Gorod.
“Adhi Iyo Lo’ baa Lagu Baxshaa Aano Kuutimide,
Aar Laaga Geela ah Naftaa Lagu ilaal Shaaye,
Kolay Aabahaa Tahay Ninkale Looma Aamino E”
===========================
“Salaadiyo Suub, Salaadaa Daran, Suub Haday Timid Salaad Laqalee.”
————————————————
“Go’dooy Geesigu, Geerida Horteed, Geedasheeyoo, Geela’aan Diid.”
————————————————
“Geeridaydana
Guryo Ba’ay iyo
Gablan Lagaqaad
Geerida Haween
Guud Lafidho iyo
Guursi Lagaqaad
Geeridaadana
Gaawe Madhan iyo
Gaajo Lagaqaad!”
_________________________________
“Geelu Geel Fulay, Gaadhi mahayee, Hakadaba Fulo!”
————————————————-
“Kalyo Weyneey,
Kaliil Aad Dhalin,
Wax Lakariyiyo,
Kulayl Loo dhimay!”
if the data has not been changed, no new rows will appear.
Day | Followers | Gain | % Gain |
---|---|---|---|
September 14, 2023 | 837 | -6 | -0.8% |
October 16, 2022 | 843 | -1 | -0.2% |
August 19, 2022 | 844 | -1 | -0.2% |
July 13, 2022 | 845 | +5 | +0.6% |
June 06, 2022 | 840 | -2 | -0.3% |
April 29, 2022 | 842 | +19 | +2.4% |
March 22, 2022 | 823 | +20 | +2.5% |
January 23, 2022 | 803 | +34 | +4.5% |
December 16, 2021 | 769 | +45 | +6.3% |
November 08, 2021 | 724 | +51 | +7.6% |