King Of South Africa on Clubhouse

Updated: Apr 18, 2024
King Of South Africa Clubhouse
1.9k Followers
1.6k Following
@tareaz55 Username

Bio

༆𝐓𝐄𝐀𝐌 𝐂𝐮𝐌𝐌𝐀𝐍𝐃𝐎 𝐎𝐅𝐅𝐈𝐂𝐀𝐋✈︎☝︎. Seddex waa aan jeclahay.

Ammaanta,
Ducada iyo
Haddiyadda.

Seddex wax waa necbahay.

Xaqiraadda,
Eedda iyo
Xaasidnimada.

Seddex waa ii astaan

Jacaylka,
Kalsoonida iyo
Degganaanta.

Seddex waan ka cabsadaa

Colaada,
Mugdiga iyo
Dumarkaba.

Seddex waan ku il doogsadaa.

Ubaxa,
Ubadka iyo
Xeebta.

Seddex waan aamminsanahay

Runta,
Rafiiqa iyo
Reerka.

Seddex waan saluugaa

Sirta dumarka,
Siriqda ragga iyo
Soomaali dhaqankeed.

Seddex waan ka helaa

Suugaanta,
Saaxiibbada iyo
Sooryada.

Seddex waan u dhiman

Diinta,
Dadka iyo
Dalka.

Seddex waan u dulqaadan.

Daruufaha,
Doqonta iyo
Doonistayda.

Seddex waa sirta noloshayda.

Eex la'aan,
Afgaabni iyo
Ixtiraam.

Seddex waa aan saadaalsadaa.

Gogol nabdoon,
Guri barwaqo iyo
Geesiyad ii naxda.

Seddex waa sadkayga.

Raaxada nolosha,
Raxmadda guurka iyo
Reexaaanta ubadka.

Seddex waan saxaa.

Qaladkaan galay,
Qiiradayda iyo
Qalbi dhaawacan.

Seddex baari baan u hay.

Waalidkayga,
Wadaadkayga iyo
Warasadayda.

Seddex wax kama helo.

In la iga dheeraado,
In la igu dheeraado iyo
In la igu dheelo.

Seddex kuma sifeeyo ruuxna.

Hummaagayga
Hadal la ii sheegay iyo
Hirarka nolosha.

Seddex baan ugu jeclahay dumar.

Naagta dheer,
Naagta dhuuban iyo
Naagta dhowrsan.

Seddex baan ugu necbahay dumar.

Naagta doodda badan,
Naagta dagaalka badan iyo
Naagta dareenka xun.

Seddex baan duni ka dooran.

Jacayl daahira,
Qalbi dabacsan iyo
Damiir kaamila.

Seddex baan maarayn karaa.

Maseerkayga,
Masruufkayga iyo
Taladeyda

Seddex baan dumar kula saaxiibaa.

Sifaheeda diinta,
Sowraceeda gobanimo iyo
Sokaynteeda jacaylka.

Seddexna rag kulama heshiiyo

Sirtoon la qarin,
Sinji dhaanka ruux kale iyo
Seeg seegga sxbtinimo.

Seddex ma sugo soo laabashadooda.

Abaal aan galay,
Amaah iga maqan iyo
Arin iga horreeyay.

Seddex kuma degdego

Kullanka dumarka
Dalxiiska kadiska ah iyo
Kun iyo kow sheekadood.

Seddex waa kaalintayda

Adeeg dhagar la'aan ah,
Adaab aqoontu raacday iyo
Astur amarka Eebbe ah.

Seddexna waa aan ogolaadaa anoo og xanuunkooda.

Xaaska labaad,
Seddexaad iyo
Afarraad.

Igu soo xasuuso intaa.

Dhoolla caddaynta waa aan ku dhaataa.

Mohamed ahmed maareey Lama-helaankii jacaylka laasimay.

Waa aan idin jeclahay dhammaantiin.

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
March 13, 2024 1,925 +4 +0.3%
February 20, 2024 1,921 +4 +0.3%
February 02, 2024 1,917 +6 +0.4%
January 16, 2024 1,911 +2 +0.2%
December 31, 2023 1,909 +3 +0.2%
December 15, 2023 1,906 +6 +0.4%
January 25, 2023 1,900 -100 -5.0%
January 06, 2023 2,000 -100 -4.8%
October 18, 2022 2,100 -100 -4.6%
September 11, 2022 2,200 -100 -4.4%

Charts

More Clubhouse users