Tixdan wa dhaliil haween intooda raga lu goysa inta badan ee gobta ah waan salamaya
Inkastoy hablaha qaar
Hagardaamo ciiliyo
Halisiyo dhibaatiyo
Ay hadimo badanyiin
Inkastooy halyay badan
Intu sheed ka halacsaday
Hibashada kalgacalka le
Isagoo u Hagar baxay
Una huray naftiisi
Heesaha jacaylkiyo
Haasawe sheekada
Haboon waad helaysa
Hiyigiisa galiyo
Habeenkiyo dharaarti
Qalbigisa kugu habay
Maxaad boqonta heerto
Halbawlaha wadnaha iyo
Intaad haanka goyseen
Boodhkiyo habaaskii
Maxad kaga huleeshen
Ninkasto hanwayna
Maxad haybadisiyo
Sharaftisu huwanaa
Inta aad halayseen
Heeryadi ka tuurto
Maxad hoos u celiseen
Bi waa haweenow
Ninka idin hawaysta
Isagoo hamuun qaba
Haraad beeli maaye
Hiirtanyo oygiyo
Huqda aad Ku beertan
Libin miyaad ka haysan
Bi waa haweenow
Ragii ugu horeeyiyo
Sow Qays umu hoyan
Sow hanadki boodhari
Hodan caashaqeedi
Hawraarta maansiyo
Heelada umu tumin
Qaar kalaanu hayna
Hodan haybinteedi
Ka hadh sow kumay odhan
Markii ay horkeenen
Sow hareer kamu Marin
Jacaylku habayn jiray
Ku hadaaqi jiray abid
Sow iilka hoosiyo
Hoga sow lamuu galin
Bi wa haweenow
Heemaal qurxooniyo
Hanaankina wacanba
Dhibta noo horseedo
Hadii laydin aamino
Maxad noo hodaysaan
Bi waa haweenow
Imisaa nin hoo loo
Hoodiyo nasiib wacan
Marki aad hogaankiyo
Gacantiisa hanateen
Dantiisi halowdo
Qayrki halku tagay
Ka habsaamay noloshi