Nabi Sulaymaan csw asagoo hantiile ah misena dunidoo dhan hoos timaado baa lagu amaanay inuu Alle u laabasho badnaa,
نِعْمَ الْعَبْدُ إِنَّهُ أَوَّابٌ
Nabi ayuub csw asagoo liita caafimaad ahaan misena far dhaqaajin karin dunidoo dhan ku cakiran tahay baa asagana lagu amaanay isla oraahdii lagu amaanay Nabi Sulaymaan csw
نِعْمَ الْعَبْدُ إِنَّهُ أَوَّابٌ
Muhiim maaha marxalada aad ku jirtid waxa muhiimka ah waa Inaad han sare leedahay oo aadan ilaawin Allahii ku abuuray inaad u laabatid ka hor inta aadan si qasab ah ugu laabanin.
أَنا إِن عِشتُ لَستُ أَعدَمُ قوتاً
Anigu hadaan Noolahay ma ahi mid waynaya waxuu cuno,
وَإِذا مُتُّ لَستُ أَعدَمُ قَبرا
Hadaan geeriyoodana ma ahi mid Qabri waynaayo,
هِمَّتي هِمَّةُ المُلوكِ وَنَفسي
Himilada hankayguna waa mid u sareysa sidii boqorada
نَفسُ حُرٍّ تَرى المَذَلَّةَ كُفرا
Naftayduna waa Naf xur ah bahdilaadana u aragta Gaalnimo,
الإمام الشافعي رحمه الله تعالى،
Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye.
Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne.
Anaa diiday dagal inaan la galo daalin ii col ahe.
Dalka ma lihid anigaa ku iri dooro weynaha e
Anaa diiday nabadiisa aan daacad noqonayne
Anaa diiday deeqdiisa ay naari dabataale.
Anaa diiday maantuu lahaa duunya iga hooye.
Markay duusho gaaladu anaan daabada u qabane.
Kolka ay dareeraan anaan duud xamaal noqone.
Dahabkii uuu waday waa anigii daadiyoo qubaye.
Dagaalkiisa anigaa xushayoo daalib ku ahaaye.
Durdurada Fardowsaad anaa doortay oo rabaye.
Diintayda anigaan ku gadan dabaqii naareede.
Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine.
Anaan labada daarood tan horre darajo moodaynin.
Daliilkii Rasuulkii anigaa doonayoo helaye (scw)
Doofaarka eyga ah anigaan daarihiis galine
Anigaan dillaalkii arliga duubabka u xirane.
Sayid Mohomad Abdulle