Bin Saed on Clubhouse

Updated: Aug 5, 2023
Bin Saed Clubhouse
115 Followers
100 Following
@saed116 Username

Bio

Nasab ay wadaamuhu
Wax u qaadi waayeen
Nacas wabaxsan haw jabin,
Garta wadari leedahay
Waji garasho ha u naqin

Ha u qaadin Waysada
Weel ooman ruuxii
Hadba kuu Waraabshoo,
Yaan wax hayntu Abidkaa
Qofka kaala waynaan

Nin ragoo wakhtigu baday
Gidaarkuu wacyigu dhigay
Adigoo aan waydiin
Waayuhuu ku noolyahay
Waalli ha ugu magac darin

Is waydaarka dunidiyo
Qof Waraysan garashada
Ooy ku timid wareegtadu
Yaa is Waayi karayee
Ha u wal-qalin duruufaha.

Qof ay talo ka Wayd tahay
Ha ku Wiirsi Tamashlayn
Gargaar Wacashadiisoo
Haddaad Waayo Negi iyo
Nooshahay Wallaac li'i
Ma Waaraan dharaaraha
Wanaagiyo ladnaantuye
Soo Reebo waligaa

Af mgxshe.. #2018.

Member of

More Clubhouse users