Kunkulmiye Saxafi on Clubhouse

Updated: Mar 19, 2024
Kunkulmiye Saxafi Clubhouse
1.3k Followers
1.6k Following
@kunkulmiye Username

Bio

Aabo somaliyeed ❤️❤️BABA SALmAn❤️🌹🌹🌹







Dhalin yarada maantaay
Dhibka maanta jira iyo
Dhimashadiyo baahida
Dhaqan xumida taaliyo
Sumcadeena dhimatiyo
Dhaawacan nagaareen
Dhaqtarkiiba loo hayn
kuwii dhayi lahaayoo
Loo dhalay amuurahan
Dhalinteena weyee
Miyaan dhuumanaa mise ?
Kaalinkii lanoo dhalay ?
Dhaxda baan u xiranaa ?


Dhalinyarada maantaay
Dhismo dowladeed iyo
Dhereg iyo barwaaqiyo
Dhulkoo doogya ubax ba leh
Dhalintaa horseedoo
Dhoof noo xalmaahee
Badahoon ku dhimanaa
Dhulkeenina cidlaynaa
Waa noo dhibaatee
Dhalintii dalkaygaaay
Miyaan dhuumana mise ?
Kaalinkii lanoo dhalay ?
Dhaxda baan u xiranaa ?


Dhalinyarada maantaay
Qurbo waa dhibaatoo
Dhulkeenii udgoonaaa
Miyaan dhaafsanaa yurb
Dhaxantiyo qabowgiyo
Musqushoo la dhaqa iyo
Dhaqankoo la doorshaa
Miyaan dheef ka doonnaa
Dhalintii dalkaygaay
Miyaan dhuumannaa mise ?
Kaalinkii lanooo dhalay ?
Dhaxda baan u xiranaa ?


Dhalinyarada maantaay
Dhagarqabuhu xoog maleh
Qarax meel ma dhigi karo
Hadii aan ka dhiidhino
Waxse keenay dhiilada
Xalku uu u dheeryahay
Dowladi u dhalanayn
Dhankeenaan banaynee
Dhalintii dalkaygaay
Miyaan dhuumanaa mise ?
Kaalinkii lanoo dhalay ?
Dhaxda baan u xiranaa ?


Dhalinyarada maantaay
Waxa masar ka dhacayiyo
Waxa tuunis dhaafiyay
Diktatoorki dhibi jiray
Dhalinyarada weeyee
Shacab wuxuu dhaqaaqaa
Dhaafaa asaagiis
Dhalintoo istaagtee
Dhalintii dalkaygaay
Miyaan dhuumanaa mise?
Kaalinkii lanoo dhalay ?
Dhaxda baan u xiranaa ?


Galayroow maxaad dhihi
Dhalintii ku booriyi
Kolay waa ma dhaafaan
Waa dhayman iyo dahab
Waa dhuuxa hoosiyo
Dhidibkiyo asaaskiyo
Lafta dhabarka celisiyo
Dhiigiyo lafaha iyo
Dhaayaheeni weeyaan
Dhalintii dalkeenii
Inay dhuumanaayaan
Amay dhowrayaan tii
Kolkii horaba loo dhalay.

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
March 02, 2024 1,372 +4 +0.3%
January 06, 2024 1,368 +1 +0.1%
December 21, 2023 1,367 -1 -0.1%
December 06, 2023 1,368 -32 -2.3%
October 25, 2022 1,400 -100 -6.7%
December 13, 2021 1,500 +100 +7.2%
November 29, 2021 1,400 +100 +7.7%
November 11, 2021 1,300 +100 +8.4%

Charts

More Clubhouse users