King Khalid qurbo on Clubhouse

Updated: Mar 27, 2024
King Khalid qurbo Clubhouse
1.4k Followers
3.7k Following
@khalidxuseen Username

Bio

waa qof yaroo jukulaatiyo
mar jalaato aad moodoo
waan ku raacay jamaalka
markaan ruuxan jaleeco
naftu wey jamataana

mar hadaan jirjirkeygiyo
janbigeyga ka waayo
jawigeygu ma fiicna

markaan jadka ka egoo
iyadoo joogto whatsaabka
saw janooy ma yidhaahdo
mar jamaad kuma sheego
saw qoraal ku jihaysan
uma jeedsho xageeda

duco saw ma jalbeebo
jeeni aar kuma saaro
jalbiis kuma gutgurtoo
xanuun aad ujibaadiyo
jiro kuuma timaado
jidhka kaama wareento
jasadkaa ma hantaaqmo
kuuma keeno jaliilku

jawharadaasi hiraysaay
jaanta meel cidi saarin
jagaan maanka ku siiyaay
inta aan ku jixaasay
jeeni qaartay quluubta

iska daaba jiniifee
midaan aad ujecladaay
gabadh muuqa la jaaha
haddii aad jirisaano

jaynahaa laga doono
jarmalkaa kuma noola

ma taqaano jikaarka
dadka ruux ma jujuubto
janan taaga afkaasi
jaajuus maaha qoftaydoo

sida loogu jiboodo
marka juun la xusaayo
ama mayda la joogo
waa la jaad kalgaceyka
qofta jiifta bogayga

farax weeyi jawaahir
waa jaweeriya luulaa
jaanbiyoonka garoonka
jalsi ay ku ciyaarto
hadaan keeno jamiila
kubaada laga jeedsan
jasiira ku mashquuli

markay juuq utidhaahdo
ruuxda ay u jawaabto
hadalkay ku jaleyso
niyaduu jilcinaayoo
ruux ujelaan sidayda
farxadayda ma jiidho
qalbigii jabinmaayo
muxibaa igu jiida

dubnadoo ah jidiid
joohaar ruuxaan kasaynin
jahiil weeyi ileynee
markuu jokaar la dheelo
jantahuu ku kacaa

kasha ruuxa jibaaxay
anigoo tan ujeeda
jala weeyi haweenku

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
March 27, 2024 1,463 +18 +1.3%
March 10, 2024 1,445 +67 +4.9%
February 17, 2024 1,378 +43 +3.3%
January 30, 2024 1,335 +43 +3.4%
January 13, 2024 1,292 +68 +5.6%
December 28, 2023 1,224 +31 +2.6%
December 13, 2023 1,193 +71 +6.4%
November 28, 2023 1,122 +44 +4.1%
November 14, 2023 1,078 +5 +0.5%
November 04, 2023 1,073 +9 +0.9%

Charts

More Clubhouse users