Allahayow Nin Ii Daran
Waxaa qoray Ugaas Nuur Ugaas Rooble
Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay
Nin ii daaqsanaayana maxaan daafida u kariyey
Jidhku nin uunan doonayn maxaan hadalka deeqsiiyay
Ma degdego’e xaajada maxaan ugu dulqaad yeeshay
Weji debecsan dayma’an dareen gelin dubaaqiisa
Dibna furan dabuub una ka didin deexashiyo muuso
Qosol dibadda yaalloon ka iman dhuunta dacalkeeda
Kanaan degey kanaan doorka biday kani dan baan mooday
Waxaan dood kaftana sheekadaa ugu daleeyaaba
Dabinkaan u dhigay maalintuu dacalka soo saaro
Intiyoon dawaarka u rogoon xeeladda u daadsho
Isagoon digniin qabin maxaan kaga dayaan siiyey