Sowtu Raxma on Clubhouse

Updated: Sep 10, 2023
Sowtu Raxma Clubhouse
778 Followers
699 Following
@islwareegto Username

Bio

Furayaasha Guusha Qoyska Wanaagsan

Waxaa Sanadahan danbe aad kor ugu kacay xaaladaha furitaanka, burburka Qoyska iyo dayacanka Ubadka, hadaba Qoraalkaan ka Aqriso Furayaasha Guusha Qoyska wanaagsan.

Balse waxaa jira qoysas badan oo Guurkoodii raandhiisay, ama sifiican uhirgalay, waxaana hubaal ah in Guurarka guulaystay ayna bilaash ku guulaysanin, balse uu katalaabsaday dhibaatooyin badan oo sababay in guurar kale oo isaga lamid ahaa ay burburaan.

Hadaba waxaa jira furayaal dhawr ah oo keenay guushaas, waxaana kamid ah:

In laxakameeyo khatarta Carabka

Afdhaafka ama carab dheeridu waxay kamid tahay khataraha ugu waaweyn ee nolosha lamaanaha jug weyn gaarsiin kara. Hadaba waxaa aad uhaboon inay labada isqabtaa ku dadaalaan siday uxakamayn lahaayeen Carabkooda, gaar ahaan xaaladaha carada iyo xanaaqa.

Hadalka xun ee soo baxa waqtiga xanaaqa lama iloobo, gaar ahaan haduu yahay mid kujeeda reerka ama qoyska ay kasoo jeedo xaasku. Hadaba Carabku waa xubin yar oo aan laf lahayn lakiin jabin karta laffo xeel dheer, burburin kartana guryo dhisnaa, kalagayn kartana reero aad isu jeclaa.

Indhahaaga nus fur nusna iskuxir

Waxaa lawada ogyahay in marka lays shukaansanayo qofwaliba kudadaalo inuu muujiyo dhinacyada uu kufiican yahay, ama meelaha uu kaqurux badan yahay, siโ€™uu qofka kale isu jeclaysiiyo.

Marka lays arooso kadibna si dhab ah ayaa laysu bartaa, qofwalbana waxaa usoo ifbaxa ceebaha qofka kale. Rabbina (swt) ma abuurin qof dhamays tiran, ee qofwalba meelo ayuu kaliitaa, ceebana ka leeyahay, hadaba waxaa haboon inaada beegsanin ceebaha iyo iimaha qofka kula nool ee aad fiiriso, dhinacyada uu kufiican yahay, ka qurxan yahay, kuna amaanto meelahaas isuu kuusii jeclaado. (Waqtiga shukaansiga indhahaaga aad uffur, Guurka kadibna indhahaaga nus xir, nusna fur, siโ€™ay nolosha qoysku uhoramarto).

Raadinta Xal dhexdhexaad ah

Marka la dhaafo bish Arooska iyo maalmaha macaanka, waxaa bilaabata noloshii dhabta ahayd, waxaana soo baxa dabeecadihii dhabta ahaa, waxaana dhici karta in lakala boodo ama laysku dhoco.

Markaana waxaa aad loogu baahan-yahay, in lawada hadlo laysuguna yimaado meel dhexe, qofwalbana ogolaado inuu katago qaybo kamid ah, waxyaabihii uu jeclaa ama uu rabay siloo adkeeyo jiritaanka qoyska. Qofka raba inuu helo dhamaan wuxuu jeclaa, waa qof aan dhisi karin nolol qoys, mid bulsho iyo mid urur midna, waxaa layiri waxaa isku bah ah (kaligii noolaade, Kaligii cune iyo kaligii taliye) Ilaahay shartooda hanaga koriyee.

Runtu waa raaxo

Majirto no

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
September 10, 2023 778 +19 +2.6%
November 19, 2021 759 +7 +1.0%
October 11, 2021 752 +11 +1.5%
September 02, 2021 741 +226 +43.9%

Member of

More Clubhouse users