Poet/gabyaa and a nationalist who believes in hope of united and prosperous greater Somalia.
Maansadaan afaraydaa macnaheda dhagaystoo.
Suaalo aan la mashquulo
Mushtamaceena dhamaan ruuxba qaab u macneeyaan.
Idiin meerinayaaye.
Midba say tahay sheega.
Madax aan magaceniyo matalaynin dalkena.
Mabaadiida shisheeyana maskaxdooda haraysay.
Manaxaano didaayoo mansabkodana iibshay.
Midnimadii umadeenana midba meel ula jeestay.
Maskaxdiina la kaashto.
Miyaan dhowri karaa?
Malaayiin aanu shaqaysanoo masakiintu lahayd.
Ninka meel kuxaraysane marwadisa ku biilan.
Musuqmasuqa tuugaa mangaabkan dhargahayn.
Maskaxdiina la kaashtoo.
Ma masuul dhabaha?
Kan qabiilku u muuqdee muska reerka
An dhaafin.
Maskaxdiisuna eegin murugaday nagu reebtay
Malintaan qarankenii mudnaantisa ilownee.
Qabiil maanka la raacnee midnimadii halakowday.
Maskaxdada la kashoo.
Ma muwaadin jiraa?
Mufsideenta dhexdena muqadaradka ku iibsha
Kuwa moralka xooree munkaraadka banaysta.
Muskista gaalka madaahibtooda la dheela.
Maskaxdada la kashoo
Ma hidaheena macaan iyo qarankuu matalaa?
Matadii ninka layee muslimiinta dhameyay.
Marmaroorsha diinte macnaheda qaldaya
Muslim eebe xurmeeyay Midka gaalka ku sheegi mididana u afaysan.
Macnahiisa quuranka maxkamadaynta qiyaame.
Mujrimkaan maqlahayn ama maadsi u haysta.
Mowlana aan ka baqayn
Magaceenana sheegta
Maskaxdiina la kaashtoo
Wa mujaahid miyaa?
Haji ali haji
Invited by: Khader Abdi
if the data has not been changed, no new rows will appear.
Day | Followers | Gain | % Gain |
---|---|---|---|
January 09, 2024 | 161 | -1 | -0.7% |
September 12, 2022 | 162 | -2 | -1.3% |
June 24, 2022 | 164 | -1 | -0.7% |
January 04, 2022 | 165 | +1 | +0.7% |
November 27, 2021 | 164 | -2 | -1.3% |
September 12, 2021 | 166 | +4 | +2.5% |