JAAFI Garaad on Clubhouse

Updated: Aug 5, 2023
JAAFI Garaad Clubhouse
365 Followers
392 Following
@dictorka Username

Bio

Gabadhu haddayna si ruuxi ah kuula falgalin oo uusan muuqeedu murugta kaasaaraynin codkeeduna caajiska kaa tiraynin la kulankeeduna nolosha kusii jeclaysiinaynin qofkaagii ma aha waxaad samaysay doorasho khaldan , anu marabo gabadh aan muuqeeda iyo jidhkeeda oo kali ah dareemo waxaan rabaa gabadh marka aan lakulmo aan dareemo inaan adduunka oo dhan hal goob kuwada haysto gabadh u'eg goob dalxiis oo midabo kala duwan huwan .

waxaynu u baahanahay qof uurka ku xidhiidhsan waxkasto inooga yimaado ay macno inoo sameeyaan oo aynu dhadhansano u riyaaqno ku raaxaysano ficiladeedoo dhan. in gacanta lagu qabsado, Lagu fiiriyo, Laguu bogo, laguu dhoola cadeeyo oo uu qofi kula qoslo, waxa aynu rabno. waa inaynu dareeno inuu si dhab ah qof inoo helay

Nolashaada xaqeedii maadan siinin hadii aad soo xero gashato ruux aad laba jeer ka fikirayso waxa dhankiisa kaaga yimaada, ruux aad is waydiinayso dhab ahaanshihiisa, ruux aadan u arag in uu dhayi karo boogahaaga. U hiili naftaada oo hel qof aad si wada jir ah u wada illowdaan in qoloftiinu kamid tahay waxyaabaha idin mideeyay sidoo kalena aad wada yaqiinsan tihiin in meesha aad ka xiriirtaan ay tahay ruuxda. sug oo hel ruux aad dhibsato maqnaanshihiisa una dhararto soo laabashadiisa. Ruux aad ula orodo siraha aad ka qariso dhamaan dadka kujira noloshaada.

Qof gudahaaga dabka ka shidan halmar uu kuu dhoolacadeeyo kaa naaqusmo kaa damo. Qof sababta aad ku jeclaatay aadan sharixi karin se marka uu ku soo hor istaago aad ka garato sababta gudahaaga iyo muuqaalkaaga guud oo riyaaq iyo rayn rayn bilaabaya iyo xasilooni nafeed sidii inaad joogto meel laguugu talagalay

hadii guryaha laga helo jacayl ka yimid laba ruux oo gudaha ka xiriirta waxaa laga maarmi doonaa dawooyinka isbitaallada"

Member of

More Clubhouse users