Shimbir yahow ma duushaa
ma dabeylo raacdaa
Dadka mow adeegtaa
Oo ma u dadaashaa
Dalanbaabi baan ahay
Dalaa dhacaa iyo
Kala qaad dibnaha oo
Dal yaqaan matahay
Degmadii fogeetiyo
Meeshii laguu diro
Dowgeed ma garataa
Shimbiryahoow dagaamee
Ku dul joogo laantoo
Aan kuu dan sheegtee
Dood kuula lahaadee
Ruux aan ku daaloo
La ii diidan yahay
Anna aanan deyn karin
Baan doonayaa
Dawadeydii noqotayee
Gudcur dumay habeenkii
Isa soo dultaagoo
Meel duruqsan geeyoo
Qun yar soo dabaaloo
Soo saar dushaadoo
Deeqsii warkeygoo
Hadal dabacsan ii keen
Dhibaatada jaceylka
Wey ku dhalan rogtaayoo
Dhaawaca baryana
Waad la dhuubataa
Wuu ikala dhantaaloo
Dhabankiyo gacmuhu
Weysku keey dhageen
Habeenadaan dhamaan
Waan dhacaa kacaayoo
Dhugashada indhuhu
Wey kugu dheegagaan
Dhalanteed riyaa
Leygu kaa hor dhigaayoo
Dhabankiyo gacmuhu
Weysku keey dhageen
Sida dheeha geeloo
Dacar howd lajoogaa
Dhalanteed la yaabaa
Marka aan ku dheehdaa
Kuu dhawaaqayaayoo
Dhanbankiyo gacmuhu
Wey isku keey dhageen
Hurdi waayey aawgaa
Kaamana hoydee
Bil in aan harsadoo
Sida hooyo wiilkeed
Hab isoo dhahee
Howlaha aduunkaa
I hareer yaalee
Halbowlaha wadnuhu ma mahabo
Dhiiga uma hanbeeyoo
Hagaag uma shaqeeyoo
Wuu hinraagayaa
Hibooy inna abtaay
Haduu hilibkeygu kugu yaal
Ama uu habeen qura
Kaa galay hunguri
Haka aamusinoo
Naftaan baas la hadloo
Haasaawi galab qura
Habeenkaad ka maqantaa
Howl la iiga tiriyaa
Illaa hiirta waabari
Hambalyiyo salaan baan
soo diraa hawada
Inaan kuu hagar la ahay
oon kuu hanweynahay
Halkii aad mareysaan harayaa
Qalbigeyga kaaga heesaa milicduna iheysaa
Anoo hiir jaceyl qaba
Hibooy ina abtaay
Haduu hilibkeygu kugu yaal
Ama uu habeen qura
Kaa galay hunguri
Haka aamusinoo
Naftaan baas la hadloo
Haasaawi galab qura
Afka lagama sheegtoo
adigoon jacayl arag
looma uur xumaadee
Aniguu i helayoo
intuu soo abraaruu
xadhig igu adkeeyee
soowtan aramadiisii
oofaha dhexdoodiyo
adhaxduu i gooyee
Kii igu abuureen
u ilmeynayoow
ha igu eegine
ii imoow.
Anfacadii ka go ayoo
eedaadka caashaqa
u adkeeysan waayee
intuu igu itaalsadey
iimana tudhaayoo
anfariir ka qaade
sow tan alhumadiisii
igu sii fideeysee
aan ka jiifsan waayee.
Kii igu abuureen
u ilmeynayoow
ha igu eegine
ii imoow.
🇿🇲🇩🇯🇸🇴🇸🇳🏴🇿🇲🇻🇺🇿🇦🇾🇹🇿🇼🇽🇰🇻🇺🇻🇳🇺🇾🇻🇮🇺🇿🇻🇬🇻🇬🇾🇹🇺🇿🇺🇿🇻🇳🇺🇸🇺🇿🇺🇳🇹🇼🇺🇳🇹🇼🇻🇮🇹🇼🇹🇹🇹🇿🇹🇹🇻🇦🇹🇹🇺🇳🇹🇿🇻🇮🇹🇿🇹🇿🇻🇮🇾🇹🇹🇼🇾🇪🇹🇻🇺🇲🇹🇯🇹🇷🇹🇼🇹🇭🇸🇱🇸🇳🇸🇧🇸🇳🇸🇧🇸🇩🇸🇰🇸🇪🇸🇮🇸🇬🇸🇰
if the data has not been changed, no new rows will appear.
Day | Followers | Gain | % Gain |
---|---|---|---|
August 04, 2023 | 690 | +67 | +10.8% |
September 04, 2021 | 623 | +22 | +3.7% |