🟦🟦🟦🟦🟦🟦🟦🟦
❤️
⬜⬜BUNTLND⬜⬜⬜
❤️
🟩🟩🟩🟩🟩🟩🟩🟩
|
|
|.
|
Ilaahay asmaa’diisan wayn, een wax ku arkayno
Amuuraha had iyo jeer dhacaaya, een caqligu koobin
Kolkuu uumiyuhu beermayee, amarku noo duulay
Ee uu arwaaxaha dhamaan, eebe soo ururshay
Ee uu aadan noo soo dajuu, ciida ka abuuray
Ee adhaxda feedh laga baxshayee, Xaawa laga uumay
Aduunyadu kolkay taagantayee, udubka loo joojay
Islaamka iyo gaaladu kolkay, kala aguugaysay
Qof waliba ayuunkuuu lahaa, waad ka aragtaaye
Ashahaadadii baan helniyo, udubkii waynaaye
Kolbase nabi ayaan lihiyo wuxuu, hilinka eegtaaba
Isha wuxuu ka rogo gaaladuu, aad yar qariyaaba
Uu hilinkan maya kula arkaan, uurka ku hayaaba
Aduunyadan kolkuu Muxamed yimid, oogta laga qaadye
Jibriilse ogow wax eebiyo rasuul, uu u adeegaaba
Aayaadka diinta ah wuxuu, ku ijtihaadaaba
Waxyiga eebeheen iyo wuxuu, faralka oogaaba
Kolkuu nuurku noo soo ifay, diinta la adkeeyay
Ee eebaheen ina faray inaan, dagaal oogno
Asaxaabihii baa kiciyo, ururkii waynaaye
Aayaadka diinta ah qofkii, ku ijtihaadaaya
Amase eebaheen garanayee, faralka oogaaya
Amase ay islaanimo run ahi, uurka ugu taalo
Alle bariga waa laga maqlaa, lana ajiibaaye
Allahu akbar diinteenu waa, udubkii waynaaye
Alifse waxa uu ina leeyahay, maxaa amarkii loo diiday
Aduunyadan waxaan eegaynaa, inay idlaataaye
Hadii udubka loo gooyo oo, suurta la afuufo
Umad waliba meeshay dagtaa, laga aroorshaaye
If waa laga tagiye aakhiraa, weerar loo yahaye
Nina nin uma eed sheegan karo, jeer la ururshaaye
Itixaamadiibaa lagali, aaminka ahaaye
Qof waliba afkuu ku hadlayuu, ku intihoodaaye
Umada badhkood ogow, jidkaa lagu inqaabaaye
Allahu ma najinaa waxay galaan, ololkii naareede
Badhna ogow iftiin bilig leh baad, orodka moodaaye
Albaabada janadaa loo furaa oo, laga arsaaqaaye
Qof waliba wuxuu odhan jiray, uunbaa loo abaal gudiye
Allahayow udgoonkiyo nimcada, nagu ilhaamayso
Oo noogu idam yeel janada, kuu ergaan nahaye
Ba’ina waxay ina leedahay bilaash, la iima soo dirine
Aduunyada bilawgeedu waa, baabka diinta ehe
Bisinka iyo quraankaa ugu mudan, barashadoodiiye
Burdo iyo tafsiir iyo minhaaj, ruuxii kala baadha
Baajuuri wiilkii dhigtee, alifyahay u booda
Ee barashadoodana xifdiya ee, beerka ku adkeeya
Shanta faralna kaan baajinee, boga salaadiisa