Ayatulahi Hagar on Clubhouse

Updated: Sep 9, 2023
Ayatulahi Hagar Clubhouse
215 Followers
326 Following
@ayatulahi1 Username

Bio

🦾Si kastooy Ayaamuhu
Asaraar ugaliyaan.
Inaan adi ku jecelahay
Aadamuhu u diidaan
Axdigeena lumi Waaa
Hibashadu dareen iyo
Waa doonis sahan li'i
Adoo dagan ku hawshoo
Mar labaad dal kaa dheer
Iyo ruux ka dhacay dalow
Dib u raadintiisiyo
Kugu daarta lahashada.

Caqliguna daweeyaha
Iyo waa ma daayaha
Wadnihii

حزن شاعر 💜🎧🎧 الصومال 🇸🇴☑️Inta aad sabool tahay
☑️Silic aad La deristahay
☑️Cidi kuma salaantoo
☑️Saaxiib ma helayside
☑️Dedaal badan sameeyoo
☑️Meel sare is gaadhsii

Ãsad Cawaal 💖 Wiili Somaliyede🇸🇴🐎

حزن شاعر👑ma kibro mana cabsado 💪Wakhtiga nin raga ciiley 🇸🇴🇸🇴🇵🇰nacazbu sasabayaa 👆💪Waxpa igama galin waxaad TaHAY 🤣
$ hadaad wacan TaHAY adigu
Nin bu wa haystaa walaac
Ninbaa weheshada xanuun
Ninbaa waalane ogoow

uduga iyo caraftu Waxa ay marwalpa baadi ku ahaan doonan gacantii bixisey ubaxa 🌹💐🌷🌻
Naf ku jecel ku dheeldheeshay💔.

Ku dhex lumay xusuustaada
Igu dhalisay weydiimo
Jawaabaha ku dheeraaday
Dhigay oo haddana waayay.

Hadba gocosho dhiillaabay
Wax i dhaafay dibu raadshay
Dhafray adi daraaddada
Inkastoon ku sii dhowray
Dhici waa heshiiskeenu.

Dhacdadana is diidsiiyay
Dhaayaha ka meermeershay
Ka furaystay dhagahayga.

Adoo dhigay jacaylkeena
Sidaan kuugu dhololaayo
Haddaad dhaygag ila yaabto
Dhibtu maaha guudkayga
Caashaqaa dhalliishaa leh
Dhoohanaanta igu beeray
Dhalan rogay dareenkayga.

Qalbigaygan dhiifaysan
Dhiban aawadaa ciilan
Ilmaduu dhab ugu ooyay
Indhihii ka soo dhaanshay
Sow dhabanka may qoynin
Dhulka webi kamay jeexin.

Cabashada dhambaalkayga
Dhayal sow umaad qaadan
Anna sow sidii dhoolka
Dhibiciisa uma hoorin
Adna sida dhadhaab aasan
Umaad dhagax dixeedoobin.

Gefka dhoy la'aantayda
Iga dhaca kol mooyaane
Inta kale ka dhaga beeshay
Samahayga dhugan wayday
Dharaar qudha wanaagayga
Dhaayahaagu qaban waaye.

Libta iyo dhabbada guusha
Igu dhiirrigelin wayday
Intaan dhabar adaygaayo
Kolba gebi dhaclaynaayo
Adiguna dhib iyo hawlo
Dheeraada igu deeqday.

Axdi dhaba hankii dhaaxa
Kugu dhaatay kuu dhaartay
Udubkiyo dhigtiisiiba
Markii ay hungada dhuuxa
Kaga dhalisay quustaadu
Dhidibkiina loo saaray
Rejo dhigay hiraalkayga
Ka dhex baxay gayaankayga.

Dhulkoo dama' intaan guuray
Saqda dhexe ku doon doonay
Halis iyo ku dhacay biime
Nafta dhibay anoo daalan
Dhimirkaan qiyaasayne
Tiro dhaaf culayskaagu.

Mana sugayo dhaankeena
Mal labaad u rara dhoomo
Kaamana dhursugo haatan
Balse waan dhadhabayaaye
Dhawaqay ku tidhi laabtu
"Dhayi wayday awgaa qof
Dhaawucu u soo gaadhay
Naf ku jecel ku dheeldheeshay"

Member of

More Clubhouse users