Awoow Ali on Clubhouse

Updated: Oct 4, 2023
Awoow Ali Clubhouse
737 Followers
691 Following
@awooweali Username

Bio

Wiil yar ayaa maalin wuxuu aabihii waudiiyay: aabe musuq siyaasadeed maxaa laga wadaa?

Aabihii ayaa yiri: wiilkeygiyow adigu waad yartahay oo howshaas ma fahmi kartide tusaale yar oo aad ku fahanto ayaan ku siinayaa:

Aniga oo biilka reerka bixiya waxaad ii bixisaa: ra'samaal(capitalist)

Hooyadaa maadaama ay howsha guriga hayso waxaad u bixisaa: xukuumad.

Adiga maadaama ay hooyadaa weli gacanta kugu hayso waxaad isku bixisaa: shacab.

Wiilka walaalkaa ah ee kaa yar waxaad u bixisaa: mustaqbal.

Gabadha shaqaalaha ah ee noo shaqeysa waxaad u bixisaa: awooda shaqada badan.

Wiilkeygiyow soo fikir waxaa laga yaabaa in aad natiijo gaarto.

Wiilkii(shacab) habeenkii ma seexan oo waxa uu odayga kala hadlay ayuu ka fekeray, goor dambe ayuu maqlay walaalkii ka yaraa (mustaqbal) oo oynaya, wuu u tagay mase xafaayad ma qabo, masaasada caanaha waa eber.

Hooyadiis (xukuumad) ayuu u tagay si walba oo uu yeelay hurdada waa ka kicin waayay, wuu la yaabay odaygii ma garab jiifo maamada.

Wuu raadiyay aabihii (capitalist) mar dambe ayuu ka dhex maqlay isagoo qolka adeegtada(awooda shaqada badan) ka dhex qoslaya, wiilkii sariirtiisa ayuu isaga laabtay.

Subixii ayuu yiri: aabe waan fahmay waxa laga wado musuq siyaasadeed.

Aabihii ayaa yiri: maxaad aragtay?

Wiilkii ayaa yiri: marka ra'samaalka uu la joogo awooda shqada badan, xukuumadiina ay iska hurdayso, mustaqbalkiina uu dhiiqo ku dhex jiro, shacabkiina jahawareer haysto markaas ayaa musuq siyaasadeed la dhahaa.

Odaygii: wiilkeygiyow hadda waad noolaan kartaa!!

Last 10 Records

if the data has not been changed, no new rows will appear.

Day Followers Gain % Gain
October 04, 2023 737 +4 +0.6%
October 17, 2022 733 +7 +1.0%
August 19, 2022 726 -4 -0.6%
July 13, 2022 730 +2 +0.3%
April 29, 2022 728 +3 +0.5%
March 22, 2022 725 -5 -0.7%
November 08, 2021 730 +56 +8.4%
August 18, 2021 674 +88 +15.1%

Charts

Member of

More Clubhouse users