Lama qaata waxad maqashayee,  hubi intaad muujin.
caqligaaga soo mari waxaad, madal ka sheegayso. 
haku milmin dhacdooyinka badhbaa, lagu dhex maydhmaaye.
 wixii aan muhiiim kuu ahayn, laguma meeraysto.
khuraafaad ninkii aaminay, murugo haysaaye. 
ha ahaanin mintid laysla nacay, macangag weynaaday.
©Galaydh
Tacab gali naftaadoo bal tijaabi
 maalmuhu waxay talo  ku siiyaan
::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::