tallaa loo kuur galaa
kalsoonida ruux mutaa
danaha lala kaashadaa
qofkii kaa keensadaa
runtii samo lagu kabaa
kashii adi kuu bugtaa
kalkaaliso loo noqdaa
indhahaa kaligaa arkaa
kuwaagana loo huraa
kalgacal qalbi kuu sidaa
marlay lala sii korshaa
karaamo adoo lahaa
midkii ku karhaa markaa
karaan la wanaajiyaa
abaal kayd buu galaa
kartina waa lagu gudaa
kafanka ruux kuu jaraa
kabtiisa la sii tolaa
nacaybkaa lagu kufaa
xasuus baa lagu kacaa
jacayl samir lagu kabaa
naftana lagu kaar dhayaa
go'aan waa loo kasaa
kama'a waa lagu sigtaa
kol kale waa lagu jabaa
kasmaalkii keni adkaa
kur waayeel waa arkaa
kalaamkuu soo wadaa
korkaa laga sii gartaa
Invited by: Abdifatah Hassan Yusuf
if the data has not been changed, no new rows will appear.
Day | Followers | Gain | % Gain |
---|---|---|---|
September 19, 2023 | 83 | -3 | -3.5% |
October 17, 2022 | 86 | -2 | -2.3% |
August 19, 2022 | 88 | -1 | -1.2% |
July 13, 2022 | 89 | -1 | -1.2% |
June 06, 2022 | 90 | -3 | -3.3% |
March 22, 2022 | 93 | -1 | -1.1% |
November 09, 2021 | 94 | +1 | +1.1% |
October 02, 2021 | 93 | +1 | +1.1% |
August 15, 2021 | 92 | +48 | +109.1% |