❤️🦁❤️
Maan quusan dabadaa 
Qasdigaygu waa kii 
Aduun baa qaloocdee 
Weli qaali baa tahay 
Rejadeenii maan qubin 
Qorsheheenii kama bixin 
Maalin qudha kolay tahay
Nolol qaybsigeenii 
Qalbigaygu kama tirin
Qaladkiyo waxyeelada
Kuuma qoro odhaahaha
Weli kuuma qaban eray 
Calooshaydu qaad ma leh 
Xumaantaada qabatoo 
Qanjidh iima kaa buko.
waad qalqaaliwoydee 
Sida kale qof baad tahay
Sharaf Qaadirkay sudhay. 
Waad qaylo badatee 
Sida kale qof baad tahay
Bishmo lagu qaboobiyo 
Afka quruxi kaga taal.
Waad quudhsi badatee 
Sida kale qof baad tahay 
Laabteedu qani tahay 
Wuxuun baa ku qaatee 
Sida kale qof baad tahay 
Dhiiga noole loo qubo
Cidna kama qashaaftide 
Fudayd baa ku qaayibay 
Dookhu muu qasaarine 
Qushuucdaa lagaa maray
Walow aan cidna ku qabin 
Qolqolkiina gurigaa 
Raad badani quban yahay !
Qalbigaagu waa midde 
Dhawr qof baa ku wada jecel.
if the data has not been changed, no new rows will appear.
| Day | Followers | Gain | % Gain | 
|---|---|---|---|
| April 16, 2024 | 3,098 | +55 | +1.9% | 
| March 12, 2024 | 3,043 | +42 | +1.4% | 
| February 19, 2024 | 3,001 | +35 | +1.2% | 
| February 01, 2024 | 2,966 | +60 | +2.1% | 
| January 15, 2024 | 2,906 | +67 | +2.4% | 
| December 30, 2023 | 2,839 | +26 | +1.0% | 
| December 14, 2023 | 2,813 | +20 | +0.8% | 
| November 29, 2023 | 2,793 | +12 | +0.5% | 
| November 15, 2023 | 2,781 | +9 | +0.4% | 
| November 06, 2023 | 2,772 | -2 | -0.1% |