★the Best friends★ on Clubhouse

★the Best friends★ Clubhouse
273 Members
Updated: Mar 17, 2024

Description

Waxbadan sabaalee lahaa sowdku yuu kicine
Wax badan baan salanka u hayoon saaray oogadaye
Ha saxnaato waayan laha saajac baa tahaye
Marse hadii sarbeeb laga tagee xaaja sararnseertay
Hadii ay sariigti god iyo ceel ku sanataaqday
Waxba yaana saab wayn u tolin sacabna saarsaarin

Ragbaa sanac qabiil iyo cuskaday sun iyo waabaye
Niman baa sariigti ka tagay danabna soofeeyay
Niman baa salaama u cuskaday seerihi dumarka
Culumiyo waxay sarayahaan suruqyadii diinta
Birmagaydo seefaha la hele sumucna taabsiiye


Bulshayahay samaankaan arkaba farax i saqaayo
Qalbigiyo waxaad suran tihiin saanta oogada'e
Saablayda hoosaad dagteen saakay hurudaane
Rabigay ha idin saamexee waad i sidataane
Bulshayahay markay iga siqaan talada aan seego
Saaxiibayaal waw darsaday hadal sariignaaye
Kaftanka iyo sowdkaan jeclaa hadal sugnaantiina
Hayeeshe sagsaaga idingalay saad u fahantaan bal
Sideedaan suaalood hawaab igaga soo saara.

Ma ogtahay sarsaaraha aduun waaku sugayaane?
Ma ogtahay nin siriq kula raboo sacab ku saaraya?
Ma ogtahay sawaab kii kastaba waa ku sirayaaye?
Ma ogtahay duqow silicsan baa dabin la soofaysa?
Ma ogtahay dar kugu suuxaya saayid kuu jecele?
Ma ogtahay in saaxiibadaa nacabka sayraayo?
Ma ogtahay waxay sugahayaan saaca soo bixiye?
Ma ogtahay ilaah baa sahliyo garab ku siin doone?
★𝙖𝙗𝙬𝙖𝙣 𝙨𝙚𝙚𝙛 𝙡𝙖 𝙗𝙤𝙤𝙙★

Last 30 Records

Day Members Gain % Gain
March 17, 2024 273 +2 +0.8%
January 27, 2024 271 +4 +1.5%
December 13, 2023 267 0 0.0%
November 04, 2023 267 0 0.0%
October 04, 2023 267 +2 +0.8%
September 05, 2023 265 0 0.0%
August 07, 2023 265 +1 +0.4%

Charts

Some Club Members

More Clubs