Madasha Curis waa ardaa uu Naadiga Curis u goglay dhallinyarada hibada iyo halabuur ka leh si ay gorfaynta iyo falanqaynta buugaagta kala duwan, curinta suugaanta, dhiirrigalinta, iyo sheekooyinka maadda leh ugu soo bandhigaan bulsho weynta Soomaaliyeed. Madasha Curis waxa ka bixi doona barnaamijyo kala duwan oo ku saabsan mawduucyada kor ku xusan. Cid walba oo loo garto inay bulshada wax u faa'iidayn karto, waxa ay madasha Curis siin doontaa fursad ay hibadeeda kula cawayso saaxiibbada madasha.
Madasha Curis waxaa ka reebban in laga dhex sheego arrimaha qabiilka (qabyaaladda), arrimaha dawladda (siyaasadda) iyo wax walba oo ka baxsan anshaxa wanaagsan.