Hoyga Dhulbahante on Clubhouse

Hoyga Dhulbahante Clubhouse
117 Members
Updated: Apr 22, 2024

Description

Dagaal-ooge caan ahaa oo ay ciidamadii gumaysiga Ingiriisku ku dhaaran jireen oo la odhan jiray Richard Corfield, Soomaaliduse ku naanaystay Koofil oo ay Daraawiishi ku makashay dagaalkii Dulmadoobe ee 1913kii ayuu Sayidku gabaygan ka tiriyey.

Koofil wuxuu ka mid ahaa madaxda sare ee gumaysiga Ingiriiska dalka Soomaaliya wakiilada uga ah, wuxuuna gaar ahaan hoggaamin jiray col la odhan jiray (Camel Corps) Soomaaliduna u taqaanay Rakuubley. Col afar-lugood u badan oo awrta ku duula, sidaasna Rakuubley kula baxay ayuu ciidankaasi ahaa.

Daraawiish oo hore u weerartay beel beelaha Burco iyo agagaarkeeda dega ka mid ah, xoolo badanna kasoo mooroduugtay ayey Koofil iyo ciidan uu watay jidgooyo waxay u dhigeen Dulmadoobe. Dulmadoobe waa buur gabbaad fiican, jidgooyada dagaalkana ku habboon.

Kolkay Daraawiishi suryada Dulmadoobe soo buuxiso dabka saara oo naf iyo maalba wax go’a, wax goosma iyo wax gacanteena soo gala ka dhiga ayuu Koofil amar ku bixiyey.

Bidhii waagaba hoos ayaa la isugu dhigay. Judhiiba waxay ku dhagtay Koofil oo isla goobtii ku nafwaayey. Mar haddii Koofil miimka alifka ku taagay, colkii uu watay wuu kala firdhay, Daraawiishina caymo uma galinee cagta ayey cagta u saareen ilaa ay gacanta ku dhigeen bakhtigii Koofil. Mashaqo weyn oo aan la soo koobi karin ayaa halkaa Ingiriis iyo cawaamkiiba ka raacday, rag badan oo uu Koofil ugu horreeyo ayaana maalintaa xagga naarta u guuray.

Si aan shakiba u galin geerida Koofil, Daraawiishi madiixiisii iyo gacantiisii midig ayey Taleex geeyeen. Sayidku dagaalkaa iyo dilka Koofil ayuu gabaygan caanka ah ka tiriyey. Wuxuu yidhi:

Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne

Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede

Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato

Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye

Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto

Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda

Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh

Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh

Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh

Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh

Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh

Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh

Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh

Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego

Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji

Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh

DIWAAN KA SAYID KA🐎

Last 30 Records

Day Members Gain % Gain
April 22, 2024 117 0 0.0%
February 11, 2024 117 0 0.0%
December 28, 2023 117 +3 +2.7%
November 14, 2023 114 +1 +0.9%
October 14, 2023 113 +1 +0.9%
September 14, 2023 112 +2 +1.9%
August 17, 2023 110 +1 +1.0%
July 15, 2023 109 0 0.0%
June 21, 2023 109 +2 +1.9%
March 19, 2023 107 +2 +2.0%
March 04, 2023 105 +3 +3.0%
January 31, 2023 102 +2 +2.0%
January 09, 2023 100 +1 +1.1%
December 25, 2022 99 -1 -1.0%
December 21, 2022 100 +3 +3.1%
November 19, 2022 97 +1 +1.1%
November 13, 2022 96 -1 -1.1%
November 06, 2022 97 +1 +1.1%
October 31, 2022 96 -1 -1.1%
October 24, 2022 97 +6 +6.6%
September 20, 2022 91 +1 +1.2%
September 07, 2022 90 +1 +1.2%
August 15, 2022 89 +1 +1.2%
August 08, 2022 88 -1 -1.2%
August 02, 2022 89 +1 +1.2%
July 20, 2022 88 -1 -1.2%
July 13, 2022 89 +2 +2.3%
July 07, 2022 87 +1 +1.2%
June 30, 2022 86 +21 +32.4%
June 17, 2022 65 +1 +1.6%

Charts

Some Club Members

More Clubs